Sunday, March 2, 2014

Jowhar oo Dagaal Ehli ah laga cabsi qabo mar kale


Jowhar(GNA)-Kooxo hubeysan ayaa maanta labo ruux oo shacab ah ku dilay tuulada Jameeco Misra oo qiyaastii 25km dhinaca bari kaga beegan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.




Labada ruux ee la dilay ayaa ka mid ahaa qoysas beeraley ah oo ku dhaqnaa tuuladaas.




Sida ay ku warameen dad goob-joogeyaala waxa soo weeraray illaa shan nin oo hubeysan kuwaasoo markii ay dilkaas geysteen ka baxsaday goobta.




Dilkan ayaa lala xidhiidhinayaa  dilal aano qabiil ah oo u dhexeeya labo deegaan oo halkaas wada dega, kuwasoo mudooyinkii u dambeeyay dilal dhex mareen.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha dawladda iyo Hay’adaha amaanka ee Gobolka oo la xidhiidha wax ka qabashada arrintan, hase ahaatee wararka ayaa sheegay in dilka saaka dhacay xiisad hor leh curiyay.




Dabayaaqadii sanadkii hore ee 2013-ka ayaa dilal soo noqnoqday oo halkaasi ka dhacay sababeen iska hor-imaad dhex maray maleeshiyaad hubaysan oo deegaanka u dhashay, kuwaasoo khasaare soo kala gaadhay.




Hase ahaatee dedaalo kala duwan oo dawladdu qayb ka ahayd ayaa lagu damiyay xiisada oo sababtay baro kac iyo khasaare nafeed intaba.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com