Sunday, March 2, 2014

IRI:Dimuquraadiyada Somaliland waxay Iftiin dhalaalaya u tahay Barriga Afrika”.


Akhri Daraasad laga diyaariyay heerka Dimuquraadiyada Somaliland iyo gol-daloolooyinka ku jira oo IRI soo bandhigtay..




DaraasWashington(GNA)-Machadka Caalamiga ah ee IRI ayaa Magaalada Washington ku soo bandhigay Jimcihii shalay Daraasad uu ka sameeyay dimuquraadiyada  Somaliland.




Daraasad ayaa lagu iftiimiyay heerka dimuquraadiyada Somaliland iyo dhaliilaha ka muuqda, waxaana bandhiga lagu shaaciyay in Somaliland iftiin dimuquraadiyadeed u tahay dalalka geeska Afrika, hase ahaatee taageero badan ay u baahantahay.




Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee IRI, ahna Ergaygii hore ee arrimaha Sudan ee dalka maraykanka , haatana ah Safiir,  Rich Williamson ayaa sheegay “ Dimuquraadiyada Somaliland waxay  Iftiin dhalaalaya u  tahay qiimeynta Dimuquraadiyada ka jirta Bariga Afrika, waxaana faa’ido badan ka helaya jaarkeeda markay si wanaagsan u eegaan, waxaanay u qalantaa in la taageero”.




Machadka IRI ayaa soo jeediyay in somaliland laga caawiyo arrimaha dimuquraadiyada, Doorashooyinka, diwaan-gelinta codbiyayaasha, dejinta Shuruucda xeerarka Doorashooyinka, hanaanka Xisbiyadda siyaasadda , horumarinta Baarlamaanka si goleyaasha sharci dejintu shaqadooda u gutaan, Saxaafadda iyo arrimaha kale ee daruuriga u ah dimuquraadiyadda.




Daraasadda oo ilaa boqol iyo konton bog ka kooban ayaa aad loogu dhaliilay heerka hanaanka dimuquraadiyada Somaliland, hase ahaatee rejooyin badan lagu muujiyay, iyadoo lagu ladhay talooyin iyo soo jeedimo wax looga qabanayo gol-daloolooyinka muuqda.




Qoraalka hoose gujji si aad u heshid daraasadda oo dhamaystirdan




 Dadka reer Somaliland ayaa qaarkood soo dhaweeyeen iftiiminta dhinaca wanaaga ah ee ay daraasadani ka bixisay Somaliland, hase ahaatee ma jiro ilaa hada wax jawaab ah oo ay dawladdu ka soo saartay aragtideeda ku aadan qiimeynta Machadku sameeyay