Sunday, March 2, 2014

Ukraine oo heegan gelisay ciidamadeeda iyo Obama oo taleefan kula hadlay Putin.


xin_240102100859330101103Ukraine ayaa heegankii ugu sareeyay gelisay ciidankeeda, kadib markii kumanaan ka tirsan ciidamada Ruushka oo wata diyaarado iyo dabaabaad ay soo galeen qeybo ka mid ah dalkaas, gaar ahana gobolka ay degaan qowmiyadaha Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa gacanta ku dhigay goobo muhiim ah oo ku taal Gobolka Crimea, halkaasoo ismaamul goboleedka ka jira uu si aad ah ugu soo dhoweeyay, waxaana laga taagay calanka Ruushka.

Tani ayaa muujineysa heerka uu gaaray xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Ukraine, iyadoo Ismaamul goboleedka Crimea uu ka soo horjeedo dowladda cusub ee Ukraine iyo xukun ka ridistii Madaxweynihii hore oo xiriir dhow la lahaa Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ugu baaqay dhigiisa Ruushka Vladimir Putin, inuu ciidamadiisa kala soo baxo Ukraine, isla markaana uu dhowro shuruucda caalamiga ah.

Wada hadal khadka taleefanka dhex maray labada hogaamiyay oo socday 90-daqiiqo ayaa Obama waxaa uu ka dalbaday in ciidamadiisa kala soo baxo saldhigyada uu ka sameystay Crimea.

Baarlamaanka Ruushka ayaa ansixiyay in ciidamo loo diro Crimea, si danaha ruushka halkaas ku leeyahay loo ilaaliyo, waxaana tani ay sii xoojisay xiisada ka taagan dalkaas.

Dowladda Canada ayaa goor sii horeysay u yeedhay Safiirkeeda u fadhiya Moscow, si ay ula tashato, waxayna tani qeyb ka noqon kartaa tallaabooyin ay qaataan wadamada reer galbeedka oo ka soo horjeeda fara gelinta Ruushka.

Madaxweynaha KMG ah ee Ukraine Olexander Turchyov ayaa ku eedeeyay Ruushka daan daansi iyo fara gelin inuu ku hayo dhulka Ukraine, isagoo sheegay inuu adkeynayo ammaanka goobaha muhiimka oo ay ku jiraan meelaha Nuclear-ka uu yaalo.