Sunday, March 2, 2014

Xisbiyahano iyo Culimo Is-xambaar ah oo Dagaal Boorama kaga dhawaaqay


Guddoomiyaha UCID ee gobolka Awdal




Warbaahinta oo Dawladda ku dhaliishay sababta wax looga qaban waayay rag Boorame kaga dhawaaqay dagaal ka dhan Somaliland.




Maanta Laga Bilaabo Aniga Oo Ah Guddoomiyahii Gobolka Ee Xisbiga Ucid Wixii Ka Maqnaa Gobolka Awdal Qori Ayaan Ugu Doonayaa Oo…..Aniga Oo Awdal State Ah Ayaa Halganka Bilaabaya“ Ismaaciil Geele Caddare 




“Inanka Hargeysa Jooga  Siduu Walaalkii U Raadiyaa Oo Xabaashiisa U Faqaa Iyadda oo… “Sheekh Xasan Daheeye




 




Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada wax jawaab ka bixin  ama talaabo ah ka qaadin oo Daawaneysa rag  Xambaarsan Magacyo Xisbiyo Mucaarid ah iyo Culimo Oo Dagaal ka dhan ah qaranimadda Somaliland kaga dhawaaqay Boorama una sacabo tumay ururka dibad wareega ah ee Awdal State isku magacaabay.




  Guddoomiyihii  hore ee Xisbiga UCID  u qaabilsanaa  goboladda Galbeedka Awdal iyo Selel  iyo Sheekh  Xasan Daheeye ayaa magaaladda boorame shalay Siyaabo kala duwan warbaahinta u sheegay arin wax u dhimaysa nabadgelyadda dalka, lidina ku ah qaranimadda Somaliland waxanu Masuulka sheegay in uu Xisbiga UCID ka tirsan yahay uu dhawaaqay in uu hogaamindoona kooxda Somaliland diidka ah ee Awdal State isku magacawday dawladdana dagaal uu la gelidoono halka uu Ninka kale ee Sheekha ahi sheegay in dad laga xasuuqay isla markaana uu ka soo hor jeestay oo wax aan jirin uu ku sheegay Xasuuqii Maamulkii Siyaad Barre dalka ka geystay.




Guddoomiyihii  hore ee Xisbiga UCID  u qaabilsanaa  goboladda Galbeedka ee Awdal iyo Selel  Ismaaciil Geele Caddare  oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Cuna qabatayn badheedh ah ayaa gobolkii lagu soo rogay dalkana waxa ka socda waynu wada og nahay in dalkii uu maalinba maalinta ka dambeysa uu mugdisii gelaayo ,hadii aanu nahay Xisbiyada Mucaaridka ah kor iyo hoos ba waanu u hadalay hadalkayagii wax laga soo qaadayo ma jirto oo dhegaha ayaa laga fureystay oo Odayaal ayaa halkan ka qaylyaya Madasha la yidhaahdo oo nin walba in uu waxa uu arkay sheego waa la diiday oo dumquraadiyadii ayaa la baabiyey oo hoos loo dhigay mana jiro wax Xisbi la yidhaahdo oo halkan ka soconeysa oo waxa weeyaan Qoys ayey u dhimatay”




Nankan lagu magacaabo ee  Ismaaciil Geele Caddare  waxa uu intaasi raaciyey“Anagu Habar Xabuusho iyo Habarmagaado u garqaadimeyno oo waad og tihiin oo Somalia waxa la doonayaa in uu madaxbanaani iyo Maamul goboleed qaato,waxa aan garan la ahay waxa aniga ii diiday ee aan dad kale u baryayo,marka reer Awdal  waxa aan leeyahay baryo  iyo xaqba iga maqani way soo dhamaatay ee waxa aan leeyahay waar xaqiiniina  waxa aad ku heli kartaa waa Qori oo dadkan aad baryaysaan waa dad u soo dhintay oo u soo Injireystay ee idinkuna ilaa aad u soo dhimataan wax fadhiga laydiinku keenayaa ma jiro reer Awdaloow,maanta laga bilaabo aniga oo ah Guddoomiyahii gobolka ee Xisbiga UCID wixii ka maqnaa gobolka Awdal qori ayaan ugu doonayaa ee baryo dambe ma jirto,waxana la yidhi ninka aan Warankaagu gelin Weedhaadu ma jirto  oo cid dambe oo aanu baryeyno ama wax weydiisaneyno ma jiro oo maanta laga bilaabo aniga oo Awdal State ah ayaa halganka bilaabaya”




Sheekh  Xasan Daheeye  oo isna si gooni ah Maalin nimadii Jicihii Masaajid ka Qudbadeynaayey ayaa isna arin amni daro ah oo shacbiga iska horkeenaysa kaga ku soo qaaday Qudbadiisii Jimcaha waxanu yidhi“Anigu Saaxiibu dulmi ayaan ahay oo Walaashay ayaa la dilay oo Walaalkay ayaa la dilay  Inankii aan Seediga u ahaa ayaa l dilay oo boqolaal ayaa iga maqan ee sideebu Inanka hargeysa jooga  siduu walaalkii u raadiyaa oo Xabaashiisa u faqaa anaga mamnuuc layga dhigaa,aniga oo waliba dawladdii iyagu (SNM) ahayn ,hadii Soomaaliyi 24-sano ka ka dib is Cafin weyday oo kolba hoos laga doonayo sidii Yuhuuda ana kuwaygii ayaan doonayaa ninkii doona ha xanaaqo,waayo Wadaadka hargeysa jooga uu Lafahii soo faqayaa anigana sheegidii laygu qabsanayaa “




Xigasho Wargeyska SAXANSAXO