Wasiiradda arrimaha dibada ee Midowga Yurub ayaa go'aansaday in ay cunaqabateyn saaraan shakhsiyaadka ay aaminsan yihiin in ay ka dambeeyaan rabshadaha ka socda waddanka Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibada ee Talyaaniga, Emma Bonino, ayaa sheegtay in shakhsiyaadka gacan ku dhiiglayaasha ah ay ka qaadi doonaan tallaabooyin ay ka mid yihiin, in socdaalkooda iyo hantidooda la xayiro.
Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in uusan arrinta dhex dhexaad ka ahayn, waxaana uu intaa ku darray in Midowga Yurub aysan cambaareyn dhibaatooyinka ay geysanayaan dadka dibad baxa wadda.
Balse madaxa siyaasada dibada ee Midowga Yurub, Catherine Ashton, ayaa arrintaasi beenisay.
Ugu yaraan 75 qof oo ay ku jiraan askar boolis ah ayaa ku dhintay rabshadaha Ukraine tan iyo Tallaadadii lasoo dhaafay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa ku tilmaamay xaallada Ukraine inay ku jirto marxalad xun.