Hargeysa(GNA)-Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga (Jimciyatul Axbaab) ayaa maanta kulan uqabatay Macalimiin Madarashada Diinigaa ee hoos yimaada Waaxda Waxbarashada ee Jimciyada .
Kulankan oo ahaa mid aqoon is-weydaarsi iyo wada tashiya ayaa waxa kasoo qayb galay Maamulka Sare ee Haayada Jimciyatul Axbaab iyo dhamaan macalimiinta Madaariska hoos yimaada Waaxda Waxbarashada ee Jimciyada .
Kulankan oo ahaa mid si heer-sare ah loosoo agaasimay ayaa waxa ugu horeyn hadalo kooban kasoo jeediyey Gudoomiyaha Guud ee Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi, isagoo isla markaana xog waran guud ka dib macalimiintii kulanka kasoo qayb-gashay ku guubaabiyey inay kor uqaadaan tayada tacliinta ay siinayaan ardayda isla markaana si mugle ugu dadaalaan tarbiyada iyo toosinta ubadka
Sidoo kale waxa isna kulankan hadalo kooban kasoo jeediyey Dr. Mustafe Maxamed Aw Cabdi oo ka mida Masuuliyiinta sarsare ee Jimciyatul Axbaab oo waano iyo wacyi-galin balaadhan siiyey Macalimiintii kulankan kasoo qayb galay
Dhinaca kale Macalimiintii kulanka loo qabtay ayaa madasha kaga dooday isla markaana isku waydaarsaday afkaarta iyo aqoonta iyo waayo aragnimada ay is dheeryihiin iyagoo gabagabadii kulan kana ku doortay Gudi Macalimiina oo metelay guud ahaan Macalimiinta Madaariska Magaalada ee hoos yimaada Jimciyatul Axbaab
Isku soo wada duubo kulankan Macalimiinta Madaariska Jimciyatul Axbaab ayaa waxa gundhigiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa isla markaana loo tayeyn lahaa Tayada Macalimiinta Madaariska si ay aqoon hufan oo wax ku oola loogu dhigi lahaa Ardayda wax ka barata Madaariska
Miyir Cali Xuseen
Xoghayaha Warfaafinta Ee Jimciyatul Axbaab
Hargeysa Somaliland