Wednesday, February 19, 2014

Gaadiidleyda Dhismaha ka shaqaysa oo Shaqo joojin ku dhaqaaqay


Madaxda Dawladda iyo Mulkileyaasha Baabuurta oo warar iskhilaafsan sheegay iyo Cabashada oo salka ku haysa Cashuurta Takaaliifta Waddooyinka




Iska ragooyinkaBoorama(GNA)Gaadiidleyda Dhismaha ka shaqeeya ee Gobolka Awdal ayaa shaqo joojin sameeyay, ka dib markii Cashuurta Baabuurta waaweyn la kordhiyay.




Mulkileyaasha ayaa Baabuurtooda meel isugu geeyay, waxaanay ku andacoonayaan inaanay shaqada sii wadi Karin ilaa laga dhimo Cashuurta dheeraad ah ee lagu soo rogay.




Cashuurta ay ka cabanayaan ayaa ah Lacagta dheeraadka ah ee lagu horumarinta waddooyinka lagu soo rogay, taasoo gawaadhida waaweyn lagu soo rogay lacag afartan Dollar ka badan.




Booyadaha Biyaha Dhaamiya iyo Basaska Dadweynaha ayaa hor uga cawday lacagtan lagu soo rogay, iyadoo ay laba bilood ka hor uun ahayd markii Haraad iyo rabshado ka dhasheen shaqo joojin Booyadaha Magaalada Hargeysa biyaha u dhaamiyaa sameeyeen.




“Gaadhiga 8 Tan qaada waxa la yidhi 300,000 halaga qaado, ka afarta Tan ah ee aan watana sadddex boqol halaga qaado, taasina wax aan qaadi karno maaha”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Wadeyaasha Baabuurta Iska rogooyinka loo yaqaano ee Dhismaha ka shaqeeya.




Baabuurlayda ayaa ku doodaya inaanay haysan waddooyin ay ku shaqeeyaan, dhaqaale ahaana aanay awoodi Karin Cashuurta dheeraadka ah ee Takaalifaadka Waddooyinka.




Hase ahaatee Maayirka Degmada Boorama iyo ku xigeenka Badhasaabka Gobolka Awdal oo Warbaahinta la hadlay, xili ay cabashada Gaadiidleydu socotay, ayaa sheegay inay hore heshiis u gaadheen Dadka cabanaya, iskuna afgarteen inay bixiyaan cashuurta.




Maayirka Boorama oo arrintan ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in waxa bedelay heshiiskii dhex maray iyaga iyo Gaadiidleydu arrin siyaasaddeed  ula muuqato “arrinkaa heshiisbaa laga gaadhay,waxaanan isku waafaqnay inay cashuurta bixiyaan”ayuu yidhi Saleban Xaddi.




Dhinacyada ayaa u muuqda kuwo aad ugu kala fog cabashada ka taagan cashuurta, iyadoo uu badhasaab ku-xigeenka Gobolka Awdal-na uga hadlay si la mid ah mawqifka Maayirka.




Halkan ka Daawo Gaadleyda iyo Maamulka Dawladda ee cashuurta isku khilaafsan: