Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay Xukuumadda Siilaanyo Saxaafadda Madaxbanaan ku hayso dhibaatooyin fara badan, isla markaana xadhig iyo xayiraad la daba joogto.
Faysal, ayaa sheegay inay sidoo kale xukuumaddu wararka Mucaaridka inaan la baahaj Warbaahinta laaluush ku siiso.
“iminka waxay gaadhay in Saxaafadda laaluush lagaga bedesho wararka mucaaridka oo markaanu hadalno wariyeyaasha lagu yidhaahdo iska masax oo shaahaagana qaado, waa sida aanu tuhunsanahay”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaflad loo qabtay Suxufiyiin abaal marino la guddoonsiinayay oo ka dhacday Magaalada Hargeysa.
“Dadka ay takooraan Saxaafaddu aniga ayaa ugu badan oo ay wararkayga inta aan xukuumadda ku maagayo sii daayaan marar, iyagoo wixii kale ee aan ka hadlayba hoosta dhiga”ayuu yidhi waxaanu intaasi ku daray “saxaafaddu awal hore ha iska butuluqsatee xoriyad ayay haysatay, laakiinse maanta xadhigbaa lala daba joogaa “.
Halkan ka dhegeyso: [audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Faysal.mp3"][/audio]