Daaficii hore Xulka Jarmalka ayaa amaanay qaab ciyaareedka kooxda Paris Saint Germain lana mid dhigay kooxda difaacaneysa koobka horyaalada ee Bayern Munich.
Christian Worns ayaa aad uga dambeeya kabtanka xulka Sweden iyo kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic isagoo u aaminsan inuu yahay xidiga ugu wanaagsan dunida waqtigaan.
PSG ayaa la kulmeysa caawa Bayer Leverkusen lugta koowaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League kulan ay koxda reer France marti ku tahay dalka Jarmalka, sidaas oo ay tahay Christian Worns ayaa aaminsan in PSG ay u xoog badan tahay si ka weyn sida ay Bayern u xoogan tahay xiligaan.
“Ma jiraan wax farqi ah oo u dhaxeeya Bayern iyo PSG, marka aad fiiriso xidigaha u ciyaara, Paris waa naadi weyn, leh magac aad u sareeya” ayuu Christian Worns ku waramay isagoo la hadlayay Goal.com
“Kama cabsi qabaan kooxaha yurub, waa mid ka mid ah fardaha madmadow ee tartanka, waxeyna awood u leeyihiin iney garaacaan koox walba oo ka hor imaata [PSG]” ayuu mar kale yiri.
41-jirkii hore reer Jarmal ayaa aad u amaanay Zlatan Ibrahimovic.
“Wey adag tahay in la joojiyo xirfada kabtanka Sweden Zlatan, waa xidig xoogan muuqaal ahaan, leh xirfad layaab leh, waana qatarta ugu weyn ee PSG iyo tartankaba” ayuu Worns ku waramay.
Ugu dambeyntii Christian Worns ayaa qiray in PSG ay si fudud kaga soo gudbi karto Bayer Leverkusen isagoo iloobay in kooxdu tahay koox Jarmal ka socota.