"Waxaanu cadaynaynaa inaanu Qaadacnay Shir uu doonayay Maareeyaha dibad wareega ahaa”Bayaan
Hargaysa (GNA)Madax qaybeedyada Telefishanka Qaranka ayaa maanta ku gacan saydhay Kulan uu rabay inuu Maareeyaha Telefishanku la yeesho isla markaana ay ka wada hadlaan Xurguftii u dhaxaysay .
Qoraal ay soo gaadhsiiyeen Warbaahinta ayay kaga hadleen Sababta ay ku qaadaceen Kulankaas kaas oo u dhignaa Sidan-
“Anagoo ah Madax qaybeedyada Telefishanka Qaranka waxaanu cadaynaynaa inaanu Guud ahaan aanu Qaadacnay Shir uu doonayay in Maareeyaha Todobaadka dibad wareega ahaa uu nala yeesho si uu xod xodasho nooga helo,Isla markaana uu u qaboojiyo Xiisada Kulul ee Kala soo deristay Hawl wadeenadii Telefishanka oo doonistoodu ku qotonto helitaanka Xuquuqdooda uu sida dulmiga ah u duudsiyay”.
“Sababta aanu u qaadacnay Shirkaasi waxay la xidhiidhay in maadaama aanay dhamaan Khilaafkii Wasaaradu isla markaana uu Madaxweyne ku xigeenku maalintii Shalay naga dalbaday in Qadiyada Muranku ka dhashay ee Wasaarada ay Xalinteedu Sugayso Madaxweynaha oo galabta dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee hargaysa,Sidaa daraadeed Waxaanu ku Kalsoonahay in Madaxweynuhu uu soo afjaro Xiisada ka dhex oogan Wasaarada Warfaafinta gaar ahaan Qaybta Telefishanka Qaranka”.
01. Khaddar Maxamed Cakule Isu duwaha Barnaamijyada Radio hargaysa ahna Soo saare Barnaamijyada Telefishanka Qaranka
02.Maxamed Siciid Muxumed Madaxa Qaybta Wararka ee SLNTV
03.Cali Axmed Cawaale Caano dhame ku Xigeenka Madaxa Wararka ee SLNTV
04.Xuseen Cabdilaahi Deeqsi Madaxa barnaamijyada TV-ga Qaranka.
05.Ismaaciil Maxamed Cakuule Madaxa farsamo-yaqaanadda iyo Editing-ka TV-ga Qaranka.
06.Ugaas Maxamed Mujabir Madaxa qaybta baahinta Dibadda TV-ga Qaranka.
07.Cabdirisaaq Cismaan Ku Xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga Qaranka.
08.Xasan Maxamed Jaamac (Baanarooma) Madaxa istuudyaasha TV-ga Qaranka
09.Nuur Cumar Jaamac Madaxa Qaybta Trasmiterka Gudaha ee SLNTV
10.Abwaan Xasan Dhuxul( Laab-salaaax) Madaxa qaybta ducumantryga TV-ga Qaranka.
11.Sidiiq Ismaaciil Axmed Madaxa Studio Baahinta Gudaha ee SLNTV
12.Safiya Cali Yuusuf Madaxa Qaybta Online
1. Xuseen Aadan Yuusuf Ku Xigeenka Solna ahna Soo Saaraha Barnaamijyada Ducumantryga
2. Cabdi Qaadir C.laahi Nuur Almis Madaxa Xidhiidhka Gobolada ee Tv
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com