Gabiley(GNS)Wafti uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa ku soo laabtay Hargeysa, maalin ka dib ka qayb galkiisa shirka Qoomiyadaha Itoobiya oo ka dhacay Magaalada Jig-jiga.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu soo gaadhay Degmada togwajale waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Madax ka socota Hay’addaha dawladda iyo boqolaal dadweyne ah oo ruxayey calanka Somaliland, sida ay ku warantay Gabiley news.
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobolka Gabiley ee Gobanimonews ku soo waramayo.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay Safar kedis ah ugu kicitimay Caasimada DDS ee Jig-jiga.
Geesta kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo waftigiisii uu hogaaminayey oo ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka somalida Ethiopia ayaa waxaa hebeenkii xalay casho sharaf ku maamuusay Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Ethiopia.
Casho sharaftan lagu maasuusay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo waftigiisa ayaa waxa kasoo qaybgalay xubno ka tirsan baarlamaanka dawladda fadaraalka iyo xildhibaano ka tirsan dawlad deegaanka somalida Ethiopia.
Labada gudoomiye baarlamaan ayaa waxay falanqeeyeen xidhiidhka furfuran ee u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia gaar ahaan xidhiidhka sokeeye ee muddada sideeda sanno ah uu gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland la lahaa baarlamaanka Ethiopia iyo madaxda sarsare ee dawladda Ethiopia.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sidii uu horeba u balanqaaday markale ku celiyey inuu martiqaad Somaliland ugu samayndoono gudoomiyeyaasha baarlamaanada Ethiopia ee heer fadaraal iyo heer deegaanba.
Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga WADDANI ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulamo gooigooni ah la yeeshay wufuuda kasoo qaybgashay xafladda dabaaldegga maalinta qoomiyadaha dalka Ethiopia oo sannadkan ka qabsoomaysa magaalo madaxda dawlad deegaanka somalida Ethiopia.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xisbiga waddani, Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulan la yeeshay wafti balaadhan oo ka socday dawladda Kenya, waftigaas oo gudoomiyuhu la qaatay kulan saacado qaatay oo ay ku lafo gureen xidhiidhka labada baarlamaan ee Somaliland iyo Kenya.
Sidoo kale gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulan labaad la qaatay wafti miisaan leh oo ka socday dawladda Uganda, isla markaasna waxay ka wada hadleen sidii labada baarlamaan iyo dawladoodba ay u samayn lahaayeen xidhiidh sokeeyenimo.
Kulanada gudoomiyaha golaha wakiiladu la sameeyey wufuuddan ka socota adduunka gaar ahaan kuwa gobolka ayaa waxay muujinaysaa dibloomaasiyadda gudoomiye cirro halka waftigii madaxweyne siilaanyona aan ilaa hadda la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay.
Isku soo wada duuboo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ciyaaray dibloomaasiyadda uu kusoo shaqaynayey mudda dheer isla markaasna tusay xukuumadda siilaanyo inuu uga faro dhuudhuubanyahay xidhiidhada caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba.
Waftiga gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu wadaa inay sii joogaan magaaladda jigjiga inta ay ka dhamaystirayaan kulanada ay la leeyihiin wufuudda isaga timid adduunka halka waftigii madaxweyne siilaanyona uu galabta soo guryo noqday.
Gobanimonews
Jig-jiga Office
Email: editor@gobanimonews.com