Jarlamka iyo Masar Safiiro u soo magacowday Somaliya iyo madaxweynaha oo qaabiley
Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhiyi doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.
Mar uu Madaxweynaha la hadlayay Safiirka Jarmalka ayuu u sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyay xiriir dheer oo wanaagsan. “ Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka hir gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan tababar heer-sare ah.
“Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay. Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyadda Yurub anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska.”
Madaxweynaha ayaa markii u la kulmay Safiirka Masar wuxuu kala hadlay xiriirka taarikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.
“Labadeena dal waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray. Dowladda Soomaaliya wey kusoo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed.”
Dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa Safiiro u soo dirtay dalka Somaliya, 23 sanadood oo qas iyo bur-bur lagu soo jiray , xaalada dalka oo soo wanaagsanaanaysa awgeed.
Todobaadkii hore ayuu Madaxweyne Xasan Sheikh Warqadda Safiirnimo ka guddoomay, Safiirka Nigeria.
Sidoo kale, Boqoradda Ingiriiska ayaa todobaadkii hore warqadda Safiirnimo ka guddoontay Safiirka Somaliya ee dalk Boqortooyada Ingiriiska.
Talaabooyinkan ayaa muujinaya rejo wanaagsan oo ka soo muuqata dalka somaliya, xili uu Khilaaf siyaasaddeed saaxadda ka saaray Xukuumaddii Dalka maamulaysay, isla markaana madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Eryay Reysalwasaarihii hore aanu wali mid cusub soo magacaabin.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com