Waa La Hubaa in dhiig badan ay daadiyeen urur diimeedyada kala ah: (Dam-Jadiid & Jamaacatul Islaamiya), oo uu ku lamaan yahay Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud.
Waxaa marag madoonta ah, waxa ka dhacayaa magaala madaxda Jowhar, Shabelada Hoose & Dagaaladii naafeeyay dad badan kuna dhinteen, kuna dhaawaceen ee ka dhacay sadexdii bilood ee lasoo dhaafay Jubada Hoose.
Waxaa Kale oo aan saadalinayaa in gobollo kale oo nabdoon hadda iney dagaal ka ridi doonaan si taasi u joogsato oo aan dhiig cusub loo daadin waxaan oran lahaa (MAXAA II DAMAANADA HADAAN DAHABO BIXIYABA INAAN LAGU DURDURINEYN).
Dhawaaqa kasoo yeeraya madaxweynaha ee ku dhacaaya dhagaheyga maahan mid farxad galinaaya maxaa yeelay (QEYBI OO XUKUN LAGU NOQON WAA DOWLAD).
Madaxdii ka horeysayna wey eedeen in Jifi-Jifi Loo Qeybiyo Jiffi Walbana loo balan qaado xilal iyo dhaqaale aan laga fakhriyeyn.
Ololihii dhagareysnaa waa dhamaaday, waxaa hadda lagu jiraa kii qaranimada ku ridi lahaa Xabaashii Siyaasadda, Suuragalna maahan in madaxweynaha fuliyo balan qaadyadii uu ka ballan qaaday Qalin-Ku-Dhiiglayaashii Saxiixay Mooshinka MUSTAFEYSAN Ee kala fogeeyay ummadii meel u wada jeedey.
Qof ahaan wax rajo ah oo aan ka filaayo in aynu noqono dowlad inta Xasan Sheikh Maxamuud Joogo qasriga madaxtooyada ma jirto.
Inta ay garashadooda siyaasadeed fogtahayna waa ila mid maxaa yeelay ma qarsoona hab dhaqanka ay u dhaqmayaan kooxda yar ee ku habsatay taladii wadanka.
Waxaan xog-ogaal u ahay in muran siyaasadeed ka dhex aloosmay kooxdii ku heshiisay in laga qaado xilka Ra'isalwasaarihii hore iyo Madaxweynaha murankaas oo ah (HEBEL HALAGA DHIGO RA'ISALWASAARAHA, MAYA, WAA IN LAGA DHIGAA HEBEL).
Miinadaa Dhagareysan ee meel walba daadsan ayeynu dhex soconaa kumana faraxsani nasiib daridan soo waajahday Umadda Soomaalyeed waxaa lagaga bixi karaa dhibtan (DADAALAA, WAA GAARAA) waa ineynu ka gil-gilano sidii aynu uga hor nimid hogaamiye kooxeedyadii naxariista darnaa.
Murti baa oraneysa:
Ninkii Koob Nimca ah Fuuqsaday Ee Kadin Irmaan Yeeshay
Inuu Kadhuudhka uu qubbo horey kaafka ugu tiille
Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa Kaa Hala Ogaado
Khabiir Siyaasadeed