Tuesday, December 10, 2013

OGAYSIIS: Warhaahin cusub


Dhammaan Akhristeyaasha sharafta leh waxa loogu bushaaraynayaa in shabakad cusub oo la yidhaahdo gudgudenews.com, ama gudgude.com ay ugu soo biirtay mareegihii ay ka daalacan jireen wararka iyo dhacdooyinka kala duwan ee dalka iyo guud ahaan caalamkaba.




Sidaas darteed, waxaanu akhristeyaashayada sharafta leh u bayaaminaynaa inay shabakada si joogto ah uga heli doonaan warar dhex dhexaad ah, barnaamijyo iyo madadaalo intaba.




Waxa kale oo aanu soo dhawaynaynaa fikradaha iyo tallooyinka maangalka ah ee akhristeyaashadayada oo aanu siinayno baahintooda mudnaanta koowaad.




Shabakadan cusub ee gudgudenews.com ama gudgude.com waxa aasaasay suxufiyiin ka hawl-gala saxaafadda Somaliland qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo muddo dheer ka soo shaqaynayay warbaahinta Somaliland.




Tifafrtiraha guud ee gudgudenews.com




Cumar Maxamed Faarax




editor@gudgudenews.com




gudgudenews@gmail.com




gudgudenews@yahoo.com