Tuesday, December 10, 2013

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Sanqadh yaraan ku soo galay Dalka


Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu ugu maqnaa wadamada Ethiopia iyo Tanzania.




Safarkan ayaa qaatay toban maalmood, xili uu kaabiga saaranyahay Shirweynihii Xisbigaasi oo xaasaasiyad badani ku gedaamantahay.




Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo maanta soo dhawayn balaadhan kala kulmay dadweynaha caasimada ayaa warbaahinta kula hadlay gurigiisa magaalada Hargeysa waxaanu ka waramay ujeedka safarkiisa tobanka Maalmood qaatay.




 “xisbiga EPRDF ee dalka Ethiopia aad ayey noo soo dhaweeyeen waxaanan kula shirnay xaruntooda wada hadaladayaduna waxay u badnaayeen dhinaca labada xisbi, sababtuna waxay ahayd xisbiga EPRDF oo ah mid ay ku bahoobeen afar urur waxay xukumaan dad ku dhaw sagaashan malyan, waxay xukumaan shanyo sideetan qoomiyadood oo kala luuqad kala Diin iyo kala dhaqan ah, dadka intaas leeg ee ay xukumayeen labaatanka sanadood horu mar weyn ayey gaadhsiiyeen”




Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay in masuuliyiinta xisbiga EPRDF ee wadanka Ethiopia ay ka wada hadleen sidii ay labada xisbi isku kaashan lahaayeen waxaanu yidhi “markaas xisbiga EPRDF waayo aragnimo badan ayaa ku duugan sidii labada xisbi layskugu xidhi lahaa ee ay isku kaashan lahaayeen waaya aragnimadana loo kala korodhsan lahaa ayaanu ka wada hadalnay, anaga laftayaduna inaga oo aan layna ictiraafin oo tamarteena dhaqaale liidato oo dagaalo ka soo doog ah waxaanu qabanay doorashooyin badan oo cul culus kuwaas oo inta badan wadamada Afrika aan ka hir gelin.”




Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye  waxa kale oo uu ka hadlay shir uu kaga qayb galay wadanka Tanzania waxaanu yidhi “waxa jira urur la sameeyey dhawaan kaas oo tobankii sano ee u danbeeyey soo jiitamayey balse shantii sano ee u danbeeyey hir galay waxaana iskugu yimaada xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaarada Afrika waxaana maal galiya xisbiyada wadanka Ingiriiska waxaanay u fikireen sidii ay Afrika horu mar uga gaadhi lahayd dhinaca hogaaminta iyada oo dhinacyada kale ee waxbarashada,caafimaadka iyo beeraha ay ka horu marayso”.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com