Friday, September 12, 2014

xaqiiqadii qadhaadhayd.Q2aad

Xaqiiqadu haday adiga kaa qarsoontahay alle kama qarsoona..

Qaybta labaad ee shekadii aynu qaybteedii kowaad qaadanay ee ciwaankeedu ahaa xaqiiqadii qadhaadhayd waxaan manta kasii amba qaadi doonaa halkii ay inoo taagnayd oo ahayd in gabadhii dhimatay ee DAARIIN hooyadeed ku dhawaaqday kalma ama eray qaali ah oo ahyd hadii xaqiiqadu ay dadka ka qarsoontahay ilaha khaaliqa ah kama qarsoona.

Gabadhii shaaqiyada ahayd ee lagu magacaabi jiray JAMAALAAT waxay dhaxashay oo ay ku raaxaystaa fiiladii ay ka dhimatay gabadhii ay dishay ee DAARIIN way ku nimcaysatay waxay ku dhashay dhawr iyo toban caruur ah oo wiil ugu wayn yahay mudo dheer markay halkaasi ku dabaal dhuflaynaysay ayey odaygeedii ABU MUXAMED waxay ku tidhi waxaan rabaa inaan iska soo yara dal xiisno oon hawada soo badalo waayahay ayuu ku yidhi waxay is raaceen dhamaan caruurteedii markay meel dhexe marayaan ayaa gaadhigii la gadoomay caruurteedii waxaa ka hadhay wiilkii curad oo kaliya iyaduna waxay ka jabtay lafta dhabarka dhamaan intii kale iyo oaygiina way dhinteen.

Masho layaab leh ayaa halkaasi ka dhacday waa loosoo gurmaday oo maydaad kiina waa la duugay iyada oo koomo ku jirta iyo wiilkeeda curad oo gacanta ka jaban waxaa loola cararay dhinaac iyo dhakhtar ka markay soo noqotay ee ay koomihii ka baxday ayaa waxay ogaatay inay dhamaan cauurteedii waa dhinteen iyo waliba ninkeedii wiilkeedii curadna gacan ka jaban yahay hadana koomo kale ayaa ay gashay .

Dhibaato aduun ayaa u dhamaatay imtixaan qayra caadi ah ayaa la marshay laakiin wali ma oga meesha laga raacay maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ku adkaatay xaalada waxay tidhi wiilkaygii hala iigu yeedho kaasi oo dabcan isagu bogsaday dhakhtarkana ka baxay waa loo telefoniyey waxaa lagu dhahay hooyadaa waa sakaraad waa soo cararay gaadhi ayuu soo qaatay markuu wada soo maraayo ayaa waxaa uu galay shil isna way u dhamaatay oo waxaa dhakhtarkii loogu keenay maydkiisii.

Gabadhii JAMAALAAT talo way ku cadaatay hada waxay maraysaa meel aan la qeexi karahayn dhibta haysta iyana waa basteed koomo sadexaad ayey gashay mudo kadib ayey soo miraabtay way soo noqotay markay koomihii ka soo baxday ayey fikirtay waxay xasuusatay eraygii maalinkii ay DAARIIN hooyadeed ku lahayd ABU MUXAMED ee ahaa haday xaqiiqadu ilahay ka qarsoon tahay ilaaha khaaliqa ah kama qarsoona.

Waxay tidhi islaanta noocaas ah hala iigu yeedho waa loogu yeedhay markay aragtay ayey murug awgeed oyday waxay ku tidhi islaantii DAARIIN hooyadeen edo waad aragtaa halka xaalkaygu maraayo ubadkaygii oo dhan ayaan waayey aniguna waxaan ku noolahay nolol xun odaygaygiina waan waayey waxaan kuu sheegahayaa inaan anigu dilay gabadhaadii DAARIIN iska kay saamax islaantii ay ugu jawaabtay kuma saamaxaayo waligay ilahayna cadaabtiisa ha kugu fogeeyo.

Gabadhii JAMAALAAT way u dhamaatay koomo ayey hadana gashay,

Hadaba waxaan sheekadan ama qisadan ka qaadanaynaa in qabashada ilahay daran tahay intaad doontaba halagu kaadsho laakiin maalinka ilahay ku qabto naxariisi ma jirto sidaa awgeed walaal danbiyada ad samaynayso eed dadka iska eegayso waxaad ogaataa in ilahay talaabo talaabo kuula socdo oo ay jiraan ciidamo ilahay oo adiga kaa shaqaynaaya iska fiiri waxaad falayso danbiga iyo dulmigana ka dheeroow.

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

jamaalsuxufi@hotmail.com

                       bestlawyer1982@hotmail.com