Monday, September 15, 2014

Wakiilkii Xisbiga Kulmiye ee Switzerlan oo ku biiray Asxaabta Mucaaridka

10622746_4548641012264_1551178066006551821_nXoghayihii Xisbiga Talada haya ee Kulmiye u qaabilsanaa Switzerlan Ismail Abdilaahi Dhamac ayaa Waraysi uu siiyey warbaahinta ku sheegay ku sheegay inuu ka baxay xisbiga kulmiye ka dib markii uu xisbigaasi ka tagay cadaaladii iyo wada jirkii dalka.

waxaanu sheegay inay xisbigii ku soo hadheen team wada jira oo aan daacad u ahayn dalka iyo xisbiga toona, kana tageen ragii uu ku dhisnaa ee ay isku hadafka ahaayeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin Abdirahmaan Abdiqadir iyo Dhagowayne mohamed haashi iyo Xasan Ciise .

 

“Waxa madaxwayne siilaanyo maanta ku soo hadhay dad aan madaxwaynaha u ehel ahayn” ayuu yidhi siyaasi Ismail Dhamac .

 

Waxaanu sheegay inuu maanta ku biiray xisbiga Wadani kaasi oo uu sheegay inuu maanta gadhwadeen ka yahay Gudoomiy Cabdiraxmaan Cirro kuna tilmaamay nin dadka laxejeclo ka qaba waxbadan ka bedeli doona siyaasada somaliland hadii ay tahay xidhiidhka arimaha dibada iyo waliba xasiloonida .

 

sidoo kale waxa uu amaan u jeediyey dhamaan qurbajooga yurub oo kala qayb-qaatay sidii uu maanta xisbigaasi ugu soo biiri lahaa .

“somaliland maanta waxay u baahantahay isbedel dhab ah xisbiga kaliya ee inagu hogaaminaya in dhaqaalaha wadanka dib loo habeeyo iyo in xuduudaha somaliland lagu gaadho si nabadgaliyo iyo walaalimo ku jirtaa waa xisbiga WADANI ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwaynaha Mustaqabalka ee Xisbiga Wadani Mudane.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)”ayuu yidhi.