Monday, September 15, 2014

Guddoomiyihii hore ee Jaamacada Hargeysa oo Geeriyooday

Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo Tacsi u diray Macalinkan weyn ee ka baxay bahda waxbarashada somaliland

profHargeysa(GNA)-Guddoomiyihii hore ee Jaamacada Hargeysa Prof. Cabdi Haybe Cilmi ayaa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu muddo dheer macalin u ahaa Marxuumku ayaa tilmaamay inuu ahaa udub dhexaad ka baxay bahda Waxbarashada Somaliland oo aan la ilaabi Karin.

AHN Cabdi Haybe Cilmi ayaa markii u dambeysay xilka Jaamacada hargeysa ka tegay dhowr sannadood ka hor, waxaanu ku wareejiyay Prof. Bulxan oo ay ka dambeeyeen laba guddoomiye.

Marxuumka ayaa qayb libaax ka soo qaatay dib u dhiska waxbarashada sare ee waddanka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay Jaamacadaha Hargeysa iyo Berbera.

“Marxuumka ayaa ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay dhismaha waxbarashada Dalka, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Jaamacadaha Dalka siiba Jaamacada Hargeysa iyo berbera.” Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay geerida Haybe.

“Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay bahda waxbarashada soona saaray ubaxa dalkani ku faanayo ee aqoonta iyo cilmiga u soo bartay dalkooda, waxaanu iftiimiyey madaxweynuhu in uu kaalin muhiima inagaga baxay marxuumku.” Ayaa lagu sii yidhi dhambaal tacsi ah ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo soo saaray qoraal tacsi ah warbaahinta soo gaadhsiiyay ayaa tacsi u diray Marxuumka.

anigoo ku hadlaya magacayga , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii, asxaabtii, bahda waxbarasha iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay macalinkaygii Marxuum prof, Cabdi Haybe Cilmi oo ahaa gudoomiyihii hore ee jaamacada hargaysa” ayuu yidhi Muuse.

Waxaanu intaasi ku daray “wuxuu marxuumku qayb libaax ka soo qaatay horumarinta waxbarashada sare ee Somaliland.

Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo”.

Cabdi Haybe waxa uu wakhti dheer u soo dhabar adaygay horumarinta Jaamacada Hargeysa oo aad loogu ammaani jiray hanaankii maamul ee uu u dejiyay oo ah kan ay ilaa hada ku shaqayso.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com