Thursday, September 4, 2014

Waftigii Salaadiinta Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Galabta Soo Gaadhay Magaalada Borama+Sawiro


 




???????????????????????????????Boorama-(GNA)-Waxaa goor dhawayd magaalada Boorama ee caasimada labaad Ee Somaliland Soo gaadhay salaadiinta dhaqanka gobolada Galbeedka Somaliland ee maalmihii u danbeeyay garnqasiga dhinaca saamiqaybsiga Somaliland u joogay caasimada Somaliland.




Imaatinka waftigan culus oo tan iyo saaka dadwaynuhu u diyaar ahaayeenlana filayay in maanta duhurkii yimaadaan ayaa waxaa dib u dhigay roobab xoogan oo ka da’aya inta u dhaxaysa magaalooyinka Gabiley iyo Dila waxaana loo soo dhaweeyay si diiran.




Salaadiinta ayaa markii ay soo galeen gudaha magaalada waxa ay saxaafada u sheegeen in aysan wax shir jaraa’id ah aysan qabanayn maadaama ay taraag soo galeen ayna daalan yihiin waxa ayna saxaafada ku wargaliyeen in wixii war ah ee ku saabsan arrimihii ay hargeysa u tageen ay si waafiya maalinta barri ah uga warbixin doonaan.




Dhanka kale Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Eng Saylici oo maanta la filayay in yimaado magaalada Boorama si uu farxada ugala qayb galo arday ka qalinjabinaysay jaamacadda Eelo ayaa safakaas ka baaqday sababa aan la sheegin aawadeed.




Gobnimo News




Mustafe Caraale




Boorama-Office




 




DSC09461DSC09463DSC09465DSC09466DSC09467DSC09470