Thursday, September 4, 2014

Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta oo la kulmay Barmaamuj-soosaareyaasha Idaacada dawladda


By: Madhaafaan




IlkacaseHargaysa(GNA ):-Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan|(Ilka-Case) Ayaa Maanta Xarunta Wasaarada Warfaafinta Kulan Kula Qaatay Soo Saarayaasha Barnaamijyada Idaacada Radio Hargaysa.




Kulankan Ayaa Ujeedadiisu Ahayd Sidii Loo Dardar Galin Lahaa Korna Loogu Qaadi Tayada Barnaamijyada Ka Baxa Idaacada Radio Hargaysa Loona Soo Kordhin Lahaa Barnaamijyo Tayo Leh Oo Bulshadu U Aydo .




Kulan Waxa Goob Joog Ka Ahaa Agaasimaha Radio Hargaysa Siciid Aadan Cige, Tifaftiraha Guud Ee Tvga Qaranka Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar, Madaxa Wararka Ee Tvga Qaranka Maxamed Siciid Muxumed Guddoomiyaha Wakaalada Wararka Xuseen Aadan Yuusuf, Madax Barnaamijyada Ee Tvga Qaranka Xuseen Cabdilaahi Deeqsi , Ku Simaha Madaxa Barnaamijyada Radio Hargaysa Abiib Iimaan Xasan Ku Xiggeenka Madaxa Barnaamijyada Faysa Cali Xuseen Iyo Barnaamij Soo Saaraha Radio Hargaysa .




Ugu Horayn Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan|(Ilka-Case)  Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Ka Waramay U Jeedada Kulan Waxaana Uu Sheegay In Kulankan Loo Qabtay Sidii Wax Layskaga Waydiin Lahaa Qaabkii Loo Tayeyn Lahaa Barnaamijyada Ka Baxa Idaacada Isla Markaana Loo Qiimayn Lahaa Halka Ay Maanta Taagan Yihiin Si Tayadooda Qor Loogu Qaado.




Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Waxa Kale Oo Uu Ka Hadlay In Ka Wasaarad Ahaan Ay Ka Hawl-Galayaan Intii Suurto-Gal In Ay Wax Ka Qabtaan Baahiyaha Ay Qabaan Barnaamij Soo Saarayaasha Idaacada Radio Hargaysa Ee Ay Ka Midka Yihiin Qalabka Iyo Gaadiidka Isla Markaana Ay Samaynayaa Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Ee Idaacada Xafiiskaasi Oo Dhigistayaashu Ku Soo Gudbin Doonaan Aragtiyahooda La Xidhiidha Barnaamijyada Idaacada Radio Hargaysa Isla Markaana Ay Talo Iyo Tusaale Ku Yeelan Doonaan Barnaamijyadaasi.




Agaasimaha Idaacada Radio Hargaysa Siciid Aadan Cige Oo Isna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Ka Waramay Baahiyaha Ay Qabaan Soo Saarayaasha Barnaamijyada Radio Hargaysa Iyo Sida Ay Lagama Maarmaanka U Tahay In Baahiyahaasi Wax Laga Qabto Si Loo Helo Barnaamijyo Tayo Leh.




Waxa Kale Oo Kulankaasi Ka Hadlay  Madaxa Wararka Ee Tvga Qaranka Somaliland Maxamed Siciid Muxumed Iyo Madaxa Barnaamijyada Ee Tvgaasi Xuseen Cabdilaahi Deeqsi  Oo Wasiirka Wasaarada Warfaafintu U Xil Saaray Qiimaynta Iyo Talo Siinta Soo Saarayaasha Barnaamjiyada Waxaana Ay Ka Halkaasi Ka Sheegeen Qaabka Iyo Formatka Hadda Wixii Ka Dambeeya Lagu Salayn Doono Barnaamijyada Radio Hargaysa.




Sidoo Kale Waxa Halkaasi Ka Hadlay Tifaftiraha Guud Ee Tvga Qaranka Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar Iyo Guddoomiyaha Wakaalada Wararka Somaliland Ee Solna Xuseen Aadan Yuusuf(Kurdi) Waxaana Ay Iyaguna Geestooda Soo Bandhigeen Sida Ay Daruuriga U Tahay In Dadka Ku Xidhan Idaacada Qaranka Loo Bandhigo Barnaamiyo Faaido U Leh.




Ku Simaha Madaxa Barnaamijyada Ee Idaacada Radio Hargaysa Abiib Iimaan Xasan Oo Isna Kulankaasi Hadal Kooban Ka Soo Jeediyey Ayaa Soo Bandhigay Barnaamijyo Cusub Oo  Lagu Soo Kordhin Doono Idaacada Radio Hargaysa Iyo Waliba Tayeyn Lagu Samayn Doono Barnaamijyada Hadda Ka Baxa  Idaacada.




Gabagabadii Halkaasi Iyaguna Waxa Ka Hadlay Qaar Ka Mid Ah Soo Saarayaasha Barnaamijyada Radio Hargaysa Oo Soo Bandhigay Baahiyaha Ay Qabaan Ee Dhinaca Qalabka, Gaadiidka Iyo Dhinacyo Kale Oo Badan.




Kulankaasi Waxa Uu Ku Dhamaaday Jawi Degan Waxaana Laysla Qaatay In La Fuliyo Dhamaanba Qoddobadii Laysla Gartay Intii Suurto-Gal Ah .