Madaxweyne Siilaanyo oo wareegto culus ka soo saaray ilaalinta deegaanka iyo Cadami oo booqday Damale xargagan.Daawo
Damala xargage(GNA)-Somaliland ayaa sheegtay inay Xabsi cusub oo dadka Dhuxusha shida lagu ciqaabo doono laga sameeyay Degmada Caanka ah ee Gar adag ee Gobolka Sanaag, kaasoo ay ku xidhanyihiin dad badan oo laga soo qabqabtay deegaamo ka mid ah Gobolka Sanaag.
Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo booqasho ku maraya Gobolka Sanaag, ayaa maanta booqday Degmada Damale xargage, halkaasoo uu ku yaallo Saldhiga Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Gobolka Sanaag.
“waxaad amar ku qabtaan in qofkii lagu qabto isagoo Geed gubaya ay aad soo qabataan” ayuu Cadami u sheegay Ciidanka deegaankaas, kaddib salaam sharaf uu ka qaatay.
Cadami ayaa sheegay in Degmada Gar-adag xabsiga ku yaalla lagu xabisay maxaabiis tiro badan oo deegaanka dhibaato u geystay. “ waxaan degmada gar adag ku soo maray maxaabiis badan oo la soo qabtay. Markaa waxaa loo baahanyahay in xabsigaa cusubi buuxsamo, ilaa inta qof geed gubayo laga waayayo” ayuu yidhi.
Wasiirka ayaa hadalkan ku dhawaaqay, iyadoo madaxweynaha Somaliland wareegto ka soo saaray dhibaatooyinka deegaanka waxyeelada loogu geysto.
Siilaanyo ayaa amar ku bixiyay in la ilaaliyo badqabka deegaanka, sida lagu sheegay Warsaxaafaddeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada.
Wareegtada Madaxweynaha:
Ku: Dhammaan Wasaaraddaha Xarumahooda
Ku: Hay’addaha Madaxa-bannaan ee Dawladda Xarumahooda
Ku: Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka Xarumahooda
Ku: Dawladaha Hoose ee Dalka Xarumahooda
Ku: Ciidammada Kala Duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland Xarumahooda
Ujeeddo: Ilaalinta Deegaanka
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Deegaanku waxa uu saameeyaa bilicda dhulka, fayo-dhawrka caafimaad ee dadka iyo duunyadaba, waxaana waxtarkiisu ku xidhan-yahay hadba Bulshada ku dul nooli sida ay u ilaaliyaan, una daryeelaan, Haddaba:-
Markaan Arkay: Qodobka 18aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland ee u dhigan “Dawladdu waxay
mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka
Deegaanka oo aasaas u ah caafimaadka Bulshada iyo
dhawrista khayraadka Dalka”;
Markaan Arkay: Xeerka Ka-hortagga Xaalufka iyo Nabaad-guurka, Xeer Lr.
4/98;
Markaan Helay: Qoraalka talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda
Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga;
Markaan Dersay: Baahidda loo qabo in la xoojiyo gacan ku-haynta Dawladda
ee dhul daaqsimeedka, lana horumariyo ilaalinta dhirta iyo
daaqa;
Markaan Garawsaday: In ay daruuri tahay in laga hortago waxyeelada ka dhalan
karta hadhaaga waxyaabaha loo adeegsado nolol
maalmeedka iyo qashinka warshadaha;
Markaan Tixgeliyey, Kaalinta Xukuumadda ee ah in ay mas’uul ka tahay
baabiinta dhulka gaarka loo ootay ee dhul-daaqsimeedka,
dib u soo celinta maagii kala xadayn jiray dhul
daaqsimeedka iyo dhul beereedka, isla markaana dib loo
sameeyo seerayaashii daaqa iyo kuwo cusub.
Haddaba, waxaan farayaa Hay’adaha Dawlaladda ee qoraalkani khuseeyo in ay si wada jir ah uga hawlgalaan fulinta wareegtadan, una gutaan xilka ay xeerarka dalku sareen.
Dhinaca kale, waxaan ugu baaqayaa Bulsho weynta Somaliland inay hawshan ilaalinta deegaanka doorkooda ka qaataan, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee arrintan ku hawla0n. “ayuu yidhi Siilaanyo.