Wednesday, October 1, 2014

Diwaan-gelinta yaan Jujuub laga dhigin...by: Mawliid Aadan Cumar

DIWAAN GALINTA YAAN JUJUUB IYO LAGA DHIGINE WACYIGALIN IYO HUBIN QALAB HALA SAMEEYO

By Mowliid Aadan Cumar

Mowliid Aadan CumarDiwaangainta muwaadiniintu waa waajib saaran dawlada somaliland inay u qabato shacabkeeda wakhti horeba mana aha in buuq siyaasadeed iyo wakhti jujuub ah lagu beego ama laga dhigo in wakhti ka dhacayo, Diwaangalintu waxay leedahay wacyigalin dheer oo gobolkasta laga fuliyo si loo adkeeyo sixitaanka aqoonsiga wadaniga sidaasi awgeed diwaangalinta yaanay xukuumadu ka dhigin jujuub iyo xujo waxanan usoo jeedinayaa wasiirka arimaha gudaha Mudane Cali-warancadde Inwasaaradu samayso sadexdan qodob oo aan isleeyahay waa danta shacabka iyo dawladaba in lahirgaliyo qodobadan

Qodobka Kowaad : Diwaangalintu maaha kaadhka aqoonsiga uun in lasameeyo waxaa ka mihiimsan in la adkeeyo serfarka ku hadhaya ama kaadhka koobiga ah ee ku hadhaya wasaarada arimaha gudaha ee yaala gobolkasta ilaa degmada in uu noqdo mid la adkeeyo bintiisa iyo koobigiisaba wasiirka arimaha gudaha waxaan leeyahay in badan ayaad ka hadashay ilaalinta qaranimada somaliland iyo adkeynteeda adiga oo aan wasiir ahayn ee maanta adiga ayaa wasiirkii arimaha gudaha ah lagaana yeelimaayo shirkad ayaan qandaraas ku siiyay barrito haday khaldanto ama servarkaba wax laga waayo ee waxaa idinku waajib ah inaad ka diyaar garowdo oo gobolkasta aad dhigto qasnad wasaarada u gaar ah oo lagu kaydiyo kaadhka koobiga ah ee muwaadiniinta waayo waad ogayd halkuu maray servarkii Inter peace Markaa mudane wasiir ogow diwaangalintu maaha wax joogsanaya ee way jiraysaa intay somaliland jirtaba Insha Allah.

Qodobka Labaad; Diwaangalintu kama maaranto wacyigalin lagu baahiyo shuruucdeeda iyo waajibaadka laga doonayo muwaadiniinta dalka ee qaadanaya kaadhka sidaas darteed mudane wasiir waxaa idinku waajib ah In warbaahinta Kala duwan Sida TVyda, Idaacadaha, Wargeysyada, Iyo Warbaahinta Onlineka ah ee Websate yada Intaba laga baahiyo Xeerka diwaangalinta muwaadiniinta Marka ay golaha wakiiladu ansixiyaan ugu yaraan Sannad Waa in bulshada loogudbiyaa hadii Alle Yidhaa.

Qodobka Saddexaad Diwaangalinta Waxaad ku kaantaroolaysaan qalab Indhaha la marinaayo oo aad sheegteen inaan marlabaad muwaadinku qaadan karin kaadh labaad, Hadaba Mudane Wasiir waa qodob sax ah balse dhinaca kale ma hubiseen oo caafimaad ahaan ma kala tashateen ama ma tijaabiyeen Dhakhtarada Indhaha ee dalku Sidaas darteed mudane wasiir waxaan ku soo koobayaa tala soo jeedintayda barnaamijkan diwaangalinta muwaadinku maaha mashruuc kooban ee waa mashruuc furan oo qofkasta ku danbeyn doona ee hala adkeeyo.

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

Aqoonyahan: Mawliid Aadan Cumar