Saturday, September 20, 2014

Scotland oo wayday gooni-isutaag

GLASGOW HHGlasgow(GNA)-Scotland ayaa qeyb ka sii ahaan doonta Britain inteeda kale, kaddib markii ay codbixiyayaashu u codeeyeen in aanay go'in.

Natiijada kama dambaysta ayaa muujinaysa in dadka diiddan in Scotland ka go'do Britain ay heleen boqolkiiba 55, taasoo wax yar ka saraysa tirada kuwa doonaya inay madaxbanaani helaan.

Wasiirka koobaad ee Scotland, Alex Salmond, oo u ololeynayay in Scotland ay go'do ayaa sheegay inuu oggolaaday in laga guulaystay, isla markaana uu waayay qorshihii ololihiisa.

Ra'iisalwasaaraha Britain ayaa sheegay inuu ku furaxsan yahay natiijada soo baxday.

Goor sii horaysay natiijooyinkii hordhaca ahaa ee soo baxayey, waxay tilmaamayeen in dadka u codeeyay maya ay ahaayeen 56%, halka kuwa u codeeyay haa ay ka hooseeyeen.

Tan iyo bilowgii soo dhawaanshiyaha aftida codbixinta waxa soo kordhayay cabsida ay qabeen labada dhinac ee Uk iyo dadka Gobolka Scotland.

Cadaadis Dhaqaale iyo mid siyaasaddeed ayay waajahayeen reer Scotland, waxaanay bangiyada ugu waaweyn ee Ingiriisku ku hanjabeen inay ka guurayaan Glasgow hadii ay go’do.