Nin u dhashay Dalka Maraykanka ayaa toogasho ku dilay Xaaskiisii iyo Lix Carruur ah oo ay u dhashay, ka hor intaanu isaguna isdilin.
Don Charles Spirit, oo da’diisu ahayd 51 jir, ayaa falkan ka geystay gurigiisa oo deegaanka Bell, sida ay sheegeen booliiska gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Carruurta uu laayay ayaa waxay da'doodu u dhaxaysay saddex bilood ilaa toban sano, sida uu sheegay madaxa booliiska ee deegaanka Gilchrist, Robert Schultz.
Dhacdadan ayaa ah mid musiibo ku noqotay dadka ku nool dalka Maraykanka iyo adduunka oo dhan intii dhegta ka maqashay.
Falalka dilka ah ayaa beryahan dambe ku soo badanaya dalka Maraykanka, iyadoo ay dhawaan uu ahayd markii bilayku toogasho ku dileen Nin madow ah, taasoo dhalisay rabashado todobaad socday.