Glasgow(GNA)-Dadka reer Scotland waxay saaka u dareereen afti loo siiyay inay kaga go’aan qaataan inay ka go’aan Boqortooyada Britain iyo inay ka sii mid ahaadaan.
Tani waa fursad la ogolaaday in gobol ka mid ahi ka go’o Uk, tan iyo midnimadii dhacday 307 sanadood ka hor, laakiinse waxa jira dalal badan oo nidaamkii gumaysteyaasha ku hoos iman jiraymaamulka boqortooyada england, kuwaasoo madaxbanaani helay ka hor iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee adduunka.
Codbixiyayaasha ka qayb qaatay aftida khamiistii dhacday ee soo gabagabodwday ayaa loogu codaynayaa (HAA ama MAYA) oo dhigan waanu ka sii mid ahaanaynaa England iyo maya, waxaana inay codkooda dhiibtaan isu diwaan-geliyay 90% . waana tiradii ugu badnayd ee abid isu diwaan-gelisa doorasho.
Codadka ayaa laga dhiibanayey 2600 oo goobood, waxaana natiijada soo baxdaa ka turjumaysaa masiirka mustaqbalka reer Glasgow oo cadaadis siyaasaddeed iyo mid dhaqaale ku socday dhowrkii usbuuc ee la soo dhaafay, kaddib markii ay ra’yi ururin dhawaan la sameeyay ay iftimisay in tirada dadka doonaya inay Scotland gooni isku taagto ka badanyihiin kuwa ogol uk.
Dadka ka soo horjeeda arrintaasi ayaa tilmaamaya in dhibaato badan ay soo gaadhi doonto dhaqaalaha iyo nolosha dadka reer Scotland haddii ay ka go’aan boqortooyada Britain oo ay ka mid ahaayeen 307 sannadood.
Bangiyada ugu waaweyn ee gobolka xarumahoodu ku yaallaan ayaa ku hanjabay inay u guurayaan dalka Ingiriiska hadii ay reer Scotland ka go’aan London, taasoo abuurtay cabsi faro badan oo dhanka dhaqaalaha ah iyo inay shaqo waayaan kumanaan qof oo ka howl-gala xarumaha saddexda Bangi ee ugu waaweyn UK oo Scotland laga maamulo.
Laanta Afka Ingiriiga ee BBC-da ayaa baahisay in codadka hordhaca ah ee ilaa hadda la tiriyey ay kala yihiin 54% oo u codeeyay “MAYA” oo ka dhigan in Scotland ka sii mid ahaato Ingiriiska iyo 46% u codeeyay “HAA” oo ka dhigan in gobolka Scotland noqdo dal madax-banaan l ay iska kaashadaan sanadka kasta .
Wali ma kala cadda go’aanka kama dambeysta ah ee dadka reer Scotland ku gaadheen aftida, laakiinse isku dhawaanshiyaha natiijooyinka hordhaca ah oo aan wali si rasmiya loo shaacin, ayaa tilmaamaya in maxsuulku labada dhinacba noqon karo (HAA ama MAYA).
Wax kastaabase waxay cadaan doonaan waa soo dhawaadka jimcaha ee wakhtiga Ingiriiska, markaasoo rasmiya loo shaacin doono natiijada hor dhaca ah.
Gobollo badan oo doonaya inay ka go’aan wadamo reer Yurub ah iyo Somaliland oo ah waddan ka mid ahaa Maxbiyadihii Ingiriiska xoriyada ka qaatay qarnigii 19-aad, dib ugala soo noqotay gooni-isutaageeda wadankii Soomaaliya ee ay la midowday 1960-kii, walise aqoonsi aan ka helin beesha caalamka iyadoo 23 sanno oo xidhiidh ah ay ka jirto dawlad iskeed u taagan oo nabad-gelyo iyo maamul dhistay, ayaa u dheg taagaya dhamaadka fursada ay heleen dadka reer Scotland.
Waxaanay rejo ka qabaan gobollada gobonimo doonka ahi inay dariiqa u xaadho madaxbanaanida Scotland rabitaankooda ay adduunyada kula garnaqsanayaan iyo inay gor-gortankooda taageero u helaan.