Friday, September 19, 2014

Cirro: Mugdi badan ayaa igaga jira inay Xukuumadda joogtaa dhiiri-gelinayso nabada”

Xukuumadda Siilaanyo oo ka muquuratay Carwo nabad-gelyada lagu dhiiri gelinayo oo Hargeysa ka dhacday..hoos ka daawo sawirada carwada..

vlcsnap-2014-09-18-22h11m42s36Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland, ahna hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa eeddeyn adag u jeediyay xukuumadda madaxweyne siilaanyo, waxaanu sheegay inaanay  oo sheegay inaanay Xukuumaddu dan ka lahayn  ku eeddeeyay inaanay dan ka lahayn nabad-gelyada dalka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka hadlayay xaflad lagu soo gunnaanaday carwo ku saabsan Nabadda oo laba maalmood ka socotay Magaalada Hargeysa, ayaa aragtidiisa ku sababeeyey, laba arrimood oo ay ka mid tahay dib u dhaca doorashooyinka iyo inaanay dhiiri gelin xukuumaddu barmaamujyada nabad-gelyada ka hadlay, sida carwada geediga Nabadda oo ay ka muquurteen Masuuliyiinta xukuumadda lagaga soo casuumay.

Waxa uu sheegay inay nabad-gelyadu tahay astaanta Jamhuuriyada Somaliland “nabaddu waa waxa qudha ee caalamku inagu ixtiraamo ee laynagu ammaano.

laakiinse waxa mugdi igaga jiraa inay xukuumadda maanta  joogtaa nabad-gelyada dhiiri-gelinayso” ayuu yidhi.

Waxaanu intaas ku daray “waayo doorashooyinku waxay aasaas u yihiin nabad-gelyada iyo isku duubnida umadda” ayuu yidhi

Masuuliyiin iyo Suugaanyahano kale oo ka hadlay munaasibaddaas, ayaa sidoo kale xukuumadda ku dhaliilay sababta ay uga soo qayb geli wayday Barmaamujkan labada maalmood socday ee wacyi-gelinta ah. “waxaan aad uga xumahay inay xukuumadda dalka ka talisaa ka soo qayb geli wayday carwadan nabadda iyo hal-abuurka lagu dhiiri gelinayo, iyadoo lagu soo casuumay ilaa madaxweyneha” ayey tidhi Fannaanada weyn ee Sahra Halgan oo xafladii xidhitaanka carwada ka hadashay.

Carwadan geediga Nabada oo ah mid sanadle ah, ayaa waxa iska kaashaday Hay’adda waddaniga ah ee KMC, IREX iyo EU-da, waxaana labadii maalmood ee ay socotay lagu soo bandhigay boqolaal sawir oo ka turjumaya qiimaha nabada iyo fariin-suugaaneedyo bulshada lagaga wacyi-gelinayo wax kasta oo dhexdooda ka abuuraya kala qaybsanaan iyo ammaan daro.

Hoos ka Daawo sawirada carwadavlcsnap-2014-09-18-22h12m47s175 vlcsnap-2014-09-18-22h12m44s138 vlcsnap-2014-09-18-22h12m19s143 vlcsnap-2014-09-18-22h12m15s110 vlcsnap-2014-09-18-22h12m09s44 vlcsnap-2014-09-18-22h12m06s19 vlcsnap-2014-09-18-22h11m42s36 vlcsnap-2014-09-18-22h11m39s2 vlcsnap-2014-09-18-22h11m27s139 vlcsnap-2014-09-18-22h11m14s4 vlcsnap-2014-09-18-22h11m05s169 vlcsnap-2014-09-18-22h11m02s143 vlcsnap-2014-09-18-22h10m34s116 vlcsnap-2014-09-18-22h10m30s82 vlcsnap-2014-09-18-22h10m14s177

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com