Saturday, September 20, 2014

Reer Awdal: Xukuumadda Siilaanyo ka hor lama arag Wasiir Beel u jawaabay”

Akhri jawaabta laga bixiyay hadal uu Wasiir ku-xigeenka Gaashaan-dhiga Xukuumadda Siilaanyo kula dul-kufay bulshada reer Awdal...

 

[caption id="attachment_98782" align="alignleft" width="300"]gaashaan wasiir ku-xigeenka gaashaan-dhiga somaliland[/caption]

Hargeysa(GNA)-Bulshada ku dhaqan Gobollada Awdal iyo Selel, ayaa sheegay inay ka biyo diideen hadal ka soo yeedhay wasiir ku-xigeenka Gaashaan-dhiga Somalilan, kaasoo ay ku dooddeen inuu dhaliilay saluuga beesha Awdal ee saami qaybsiga Xukuumadda Siilaanyo.

Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee wax-garadka ah ee Goboladaas ka soo jeeda ayaa guux iyo diidmo cad ka muujiyay, hadalka ka soo yeedhay Wasiir kuxigeenka Gaashaan-dhiga Cabdi Daahir Camuud oo todobadkii hore dalka ku soo laabtay, kaasoo si cad farta ugu fiiqay inaanu jirin saami-qaybsi ka maqan Beelaha darafyada.

“Boorama ayaa lagu soo Qaybsaday saami-qaybsiga laga hadlayo, cidii Boorame ay wax kaga maqnaayeen inay imika ku qayliso may ahayn”ayuu yidhi.

Hadalkaa wasiirka ka soo yeedhay , waxa ka jawaabay mid ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Awdal.

[caption id="attachment_98781" align="alignleft" width="300"]Mustafe oo ka mid ah siyaasiyiinta reer awdal oo u jawaabay wasiirka Mustafe oo ka mid ah siyaasiyiinta reer awdal oo u jawaabay wasiirka[/caption]

Mustafe Daahir Abraar oo ka mida Siyaasiyiinta gobolkaas u dhashay ayaa sheegay inay ugub ku tahay saaxada xukuumadda Wasiir isagoo xil qaranka u haya beel u jawaaba “Waligeed may dhicin wasiir beel u jawaabaya isagoo xilkii qaranka haya”ayuu yidhi.

“Taasi waxay caddeynaysaa aqoon la’aanta wasiirkani xilka ku hayo”ayuu yidhi Abraar.

Waxaanu intaas ku daray “Boorama waxa lagu qabtay shir dib u heshiisiin ah oo Somaliland oo dhan laysugu keenay, laakiinse ma jiro axdi qarameed dhiga beesha reer hebel saamigeedu waa intaas, haduu wasiirku hayo meel ay ku qorantahay ha sheego”.

Siyaasigan ayaa carabka ku balaadhiyay wasiir Camuud garan waayay Shaqadiisii, “waxaan mar labaad ku celinayaa wasiirku wuxuu garan waayay shaqadiisii, wasaarad ayaa wasiir ku-xigeen looga dhigay”ayuu yidhi, Siyaasi abraar oo Jimcihii shalay Warbaahinta ka hadlay.

“ Madaxweynaha xaqbaa loogu leeyahay in tabasho loo sheegto, beeshana way isku afgarteen” ayuu sii yidhi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan Guddi wasiiro iyo masuuliyiin kale isugu jira u saaray tabasho xooggan oo ka soo yeedhay saami-qaybsiga dawladda, taasoo sida ay sheegeen hormuudka deegaamadaasi ay saluugsanyihiin saamiga laga siiyay.

Waxaana Magacaabista Guddidaasi ka dambeysay, kulan dhex maray Madaxweynaha iyo hogaan dhaqameedka beelaha samaroon dhowr usbuuc ka hor.

Madaxweyne ku-xigeenka xukuumadda talada haysa ayaa ka soo jeeda Gobolka Awdal, hase ahaatee hadana dhawaaqa ka soo yeedhay dadka gobolkaasi ayaa u muuqda mid tabasho badan xambaarsan.

Waxaana muuqata inuu yahay mid ku waajahan shishe arag fog oo madaxweyne Siilaanyo doonayo inuu wax ka bedel ku sameeyo nidaamka xukuumiga ah ee dalka.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2013, ayaa wax si weyn loo hadal hayay in madaxweynuhu doonayo inuu sameeyo madaxweyne ku-xigeen labaad oo dalku yeesho, kaasoo la siinayo Beesha Bariga oo aan marna wax ku yeellan awoodaha ugu sareeya waaxda fulinta ee dawladda.

Waxa xilligaas la hadal hayay in kursiga labaad ee ku-xigeenka loo wado wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com