Saturday, September 20, 2014

Kooxda Daacish oo sii daayey 49 la hayste oo ku afduubnaa Ciraaq

[caption id="attachment_98774" align="alignleft" width="300"]Hostage including diplomats and families   Hostage including diplomats and families[/caption]

Mosul(GNA)-Dawladda islaamiga ah ee Daacish la baxday ee dalka ciraaq lagaga dhawaaqay, ayaa xoriyaddooda u soo celisay 49 la hayste oo u kala dhashay Turkiga iyo Dalal kale.

Waxa ka mida la haysteyaasha Diblomaasiyiin iyo qoysaskoodii, waxaana Magaalada Mosul ka afduubtay faraca shabakada Al-qaacida ee dalka Ciraaq, taasoo ay kala wareegeen ISIS markii ay qabsadeen Magaaladaas iyo deegaamada hoos yimaada.

La haystetaashan oo afduubnaa muddo ka badan saddex bilood, ka hor intaan sabtidii maanta xoriyadooda loo soo celin, ayaa 46 ka mid ah waxay u dhasheen dalka Turkiga iyo saddexda kalena waxay haystaan dhalasho dalal kale.

Reysal-wasaaraha dalka Ahmet Davutoglu ayaa sabtidii xaqiijiyay inay soo badbaadeen dadkan afduubka loo haystay, isagoo arrintaana guul weyn ku tilmaamay.

“waxay tageen Turkiga shantii subaxnimo. Waan la soconay horumarkan xalay oo dhan” ayuu yidhi Reysal-wasaaraha cusub ee Ciraaq.

“farxadani waxay nooga dhigantahay horumar iyo subax wanaagsan” ayuu sii yidhi.

Kooxda Daacish ee isku magacowday khilaafada Islaamiga ah ayaa looga bartay inay gowracaan la haysteyaasha Reer Galbeedka ee u afduuban, waxaanay todobaadkii hore Dalka Syria gowrac labada dhigood isu saareen Nin u dhashay Ingiriiska oo magaciisa la odhan jiray David hains, kaasoo u shaqaynayay hay’ad samo-fal.

Laakiinse talaabadan cusub ee ay faraca Kooxda ee Ciraaq ku sii daayeen la haysteyaasha u badan Turkiga, ayaa dhalinaysa in dareen cusub laga qaado kooxda Reer galbeedku u aqoonsaday bahalaha.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka Maraykanku ka dalbaday inay soo biiraan duulaanka lagu qaado ISIS , waxaana xoghayaha arrimaha dibada ee Washington usbuucii hore kala hadlay madaxweynaha cusub ee Turkiga sidii loo weerari lahaa Daacish.

Maraykanka ayaa bishii la soo dhaafay Diyaarado dagaal iyo ku dhawaad 800 askari u diray Dalka Ciraaq, kaddib markii ay Daacish weerar ku qaadeen Gobolka Waqooyiga ee Kurdiyiinta laga tirada badanyahay degaan.

Diyaaradaha Maraykanka, oo caawinaya Maleeshiyaadka Maamulka Shiicada , ayaa weerraro ka fuliyay saldhiyo ay leeyihiin Sunniyiinta Daacish.

Afhayeen u hadlay dawladda Turkiga ayaa goor sii horaysay sheegay inay soo dhaweynayaan sii deynta Muwaadiniinta laga haystay.