
Side bey u Nool Yihiin Hablaha Jilaga (Metela) Filimada Holly-wood?
Kitaabka SH.Subaaci innaga oo soo xiganayna ayaa su’aashan kor ku xusan waxa la weydiiyay jilaaga caanka ku ahaa metilista filimada loo yaqaan Cow boy ee Maraykanka ah waa ninka loogu yeedho Heyk Owberyan waxaanu ku jawaabay, waa sidii qaar la sixray oo kale. yididiiladeeda keliyi waa sidii ay timaheeda u marin lahayd midab cusub, sidii ay u isticmaali lahayd moddeelada u dambeeya ee ah waxyaalaha jidhka lagu duugo ee ay soo saartay shirkada Makes Factor.
Iyadoo illawsan in aanay quruxdu ahayn wax waarta, jamhuurkeeduna (daawadayaasha) aanu naxariista aqoon, isla markaana ah kuwo si deg-deg ah wax u illaawa.
HollyWood way taqaan siday u baabiiso hablaha wax jila, ee iyagu aan marnaba garan waxay sacaadada iyo nolosha wanaagsani tahay,! sidaas awgeed ayaa waxaad arkaysaa mid iyaga ka mida oo door bidaysa inay geeriyooto oo nolosha nacday, ka hor intaanay weynaanba.
Markaas ka bacdi ayaa waxa la weydiiyay is dilka gabadha jilaaga caanka ah ee Maarlin Morno waxaanu yidhi, London ayaan joogay markaan maqlay geerideeda, aad baan uga naxay warkaas, HollyWood ayaa si toos ah ugu sabab ahayd geerideeda Marlin, shirkada HollyWood iyada ayaa xukunta oo gacanta ugu jiraan shaqaalaha filimadu, saacadday doonto kor bay u qaaddaa oo buun-buunisaa saacadday doontana way baabiisaa oo bah dishaa oo nolosha cidhiidhi kaga dhigtaa, waxayna ula dhaqmaan sidii qalab oo kale.
Si adag bay Hollywood ula dhaqantay Marlin oo waxay ula macaamishay si xaqiran ka dib markay ka faa’idaysatay kartideedii, inanimadeedii, wakhtigeedii, qaaliga ahaa iyo weliba quruxdii ay lahayd.
Hollywood waxa ay leedahay dad u tababaran siday dariiqadan oo kale ugula dhaqmi lahaayeen jilayaasha, iyagu waxay yaqaaniin waqtiga ku habboon siday u baabiin lahaayeen jilaaga, kaas oo waqtigiisii qiimaha lahaa ee dhalinyaranimo ku soo qaatay istuudyaasha iftiinka badan iyo nidaamka aadka u kakan ee halkaas lagaga dhaqmo.
Isaga oo hadalkiisii sii watana wuxuu yidhi Waan ogaa inay dhiman doonto ka hor intaanay dhiman Marliin, waxaan ahaa mid filaayay inay ku danbayn doonto khaatumadaas murugada leh. Isaga oo wali hadalka sii wadana wuxu leeyahay hablaha Hollywood ee quruxda badan waa kuwo aad u dulman uguna nolosha xun dumarka caalamka ku nool.!
Waa sidii sawir dad oo gacanta ugu jira tijaarta Hooly-Wood maba moodaysid sidii qof nool oo fikiraya oo leh kartidaa doorashada, Gabadha jilaaga ahi sidii ay caan ku noqon lahayd waxa looga baahan yahay inay iibiso nafteeda, Karamadeeda, ikhtiyaarkeda, iyo wakhtigeeda, muuddo aan dheerayn ka dibna waxaa lala beegsanayaa darbad xanuun badan oo ay dhabarka kaga jabto, ka dib markuu dhamaaday doorkeedii, goortaas oo la dhamaystay karti qurux iyo hibo waxuu ILLAAHAY siiyay.
isaga oo murugo badani ka muuqato wajigiisa wuxuu yidhi Wax intaas ka badan idiinma sii sheegi karo oo duruuftayda ayaan ii saamaxayn, raali iga ahaahada ayuu ku soo xidhay hadalkiisa Heyk Owberyan .
wax yar aynu ka ogaano Taladii Jilaga Caanka ahayd ee MARLIIN MORNO ay so jeedisay ka hor intii aanay is dilin
Waxay Talo ka bixisay jilaayada caan ku ahayd filimada dagniinka iyo soo jiidashada ragu, taladan oo ay u soo jeedisay hablaha soo kacay kadibna waabay is dishay, sheekadan waxaynu ka soo xiganay kitaabka Sh.Musdafa Alsubaaci ee loo yaqaan Gabadhu waxay u dhaxaysaa Fiqiga iyo Qaanuunka.
Maarliin waxay ku bilowday warqaddeedan oo ku socotay gabadh ka codsatay inay kala taliso sidii ay ugu soo biiri lahayd dadka wax metela waxanay ku tidhi:
” ka digtoonow inan yahay inaad raadisid magac, ka digtoonow mid kasta oo kugu dagaya kamaraddaha iyo buun-buuninta, aniguba manta waxaan ahay gabadha ugu murugada badan dunidan guudkeeda, maan ku guulaysan inaan hooyo noqdo, Waxaanan door bidayaa in aan joogo guriga nolol xaaseedka ee jawiga Farxadu ku dheehan tahay ee sharafta leh, Magac Maal iyo wax kasta oo aan helayna waxan maanta ka jeclan laha inaan weheshado ubad aan dhalay iyo nin aan u dhaxay oo ixtiraam ii haya lakiin nasiib uman helin oo wakhtigaygii waxan ku qaadtay Mal iyo Magac sidan u heli laha”!!!
Sacaadada iyo nolosha wanaagsan ee gabadha xaqiiqadana ahi waxay ku jirtaa nolol xaaseedka sharrifan ee dahiran ee isku kalsoonida leh, kibirka iyo isla weynidu ka madhan tahay, Waxanan odhan karaa nolol xaaseedku waa calaamad u taagan sacaadada iyo nolosha wanaagsan ee gabadha, iskaba dhaaaf taasi oo waxa baan odhan karaa waxay calaamadda sacaadada iyo nolosha wanaagsan u tahay insaaniyadda iyo basharka oo dhan.
Gebagebadii ayaa Maarliin waxay leedahay dadka oo dhami way i dulmiyeen, shaqada sinimuhu waxa uu gabadha ka dhigayaa wax raqiisa oon qiimo lahayn, meel kasta oo ay ka gaadho, magac dheer maal iyo amaan wixii ay ka heshaaba waa wax aan gun adag lahayn.
Marlin waxay ledahay waxaan ku waaninayaa hablaha in aanay marnaba ka shaqayn sinimaha iyo jilista filimada, hadii kale Waxay ku danbayn doonaan halkan aan maanta aniguba ku danbeeyay, talada markii ay dhamaysay jilayadii caanka ahayd ee Marliin Morno kadib waa ay is dishay.!!
La soco qaybaha kale..
Naciima Cabdi Galiixe
Kuliyada Barashada Siyaasada Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah Ee Jamacada New Generation University Hargeisa
Email: naciimagaliixe@gmail.com
ALLAA MAHAD LEH