Hogaankii howl-gelinta 17-aad iyo Abaanduulihiisii oo askari gadoodsani qaarajiyay
Maygaagle(GNA)-Wararka ka imanaya Degmada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay laba sarkaal oo madax ka ahaa Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland ee degmada aagaasi oo ah guutada 17-aad.
Mid ka mida Askarta Ciidanka oo sida la sheegay u xidhnaa anshax marin ayaa la sheegay inuu toogtay abaanduulihii Guutada 17-aad ee ciidanka aagaas degen, Captain Maxamed Yuusuf (Mays) iyo hogaankii howl gelinta guutada xidigle Jaamac Bidaar, sida ay ku warantay Oodweynenews.
Ma cadda dambiga anshax marinta loogu sameeyay askariga falka geysta, ha yeeshee waxa la sheegay inuu falkan si badheedh ah u fuliyay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal.
“haa labadaas nin waa la dilay caawa fiidkii” ayuu Gobanimonews u sheegay Goob-jooge ku sugan Magaalada Qorulugud oo magaciisa codsaday inaan la soo xigan.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in la qabtay Askariga dilka geystay.
Ciidanka Qaranka ee aaggaas ayaa muddo halkaasi fadhigoodu ahaa, waxaanay dagaal kula galeen halkaasi Maleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle.
Waxay qayb ka ahaayeen daminta Shaqaaqadii ka dhacday deegaanka kalshaale, iyadoo la kala dhex dhigay labadii beelood ee dagaalku dhex maray.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com