Kumanaan ka tirsan Ciidamada Qalabka sida Gaardis ku maraya Jidadka iyagoo Derejooyin xidhan...
18 May: waxa isku soo beegmay sanadkan, Xuska Sanad –guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland iyo sanadka 1-aad ee Geerida Xoriyatal qawlka..”Dareenka Wariyeyaasha
“Halkan kala soco dhacdooyinka ku saabsan xuska 18 May ee daafaha Dunida.."Akri warbixin kooban
Hargeysa(GNA)-Somaliland ,ayaa beri looga dabaal-degaya sanad-guurada 23-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoashada Madaxbanaanida Somaliland oo ku beegnayd 18 May .1991-kii.
Jawiga ayaa ah mid marka marka ka dambeysa isa soo bedelaya, waxaana jira diyaar garow balaadhan oo loogu jiro munaasibadaha Caawa adduunka oo dhan ka bilaabaya meel kasta oo dadka reer Somaliland joogaan.
Shucuubta Bulshada Caasimadda Hargeysa
Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada waddankan u dabaal-degaya xuska 23-da ka soo wareegtay markii Magaalada Burco lagaga dhawaaqay gooni-isutaaga ayaa laga dareemaya saxmad iyo dareenka dadka oo aad u kacsan, inkasta oo Magaalooyinka kalena si weyn loogu diyaar garoobayo.
Dhawaqa Codbaahiyeyaal lagu xidhay Waddooyinka iyo kuwo Gaadiid ku rakiban oo Gaafwareegaya Magaalada dhexdeeda ayaa waxa ka baxaya Suugaan Waddani ah.
Goobaha Ganacsiga iyo Guryaha dhexdooda ayaa dadku waxay dhegaha u wada hayaan sidoo kale heeso waddani ah oo ka turjumaya Qaranimada Somaliland “inkasta oo shucuubta dadku kacsantahay, hadana waxa jira waxyaabo badan oo fusuq keenaya oo socda, markaa waxa loo baahanyahay in wixii dhibaato keenaya laga dhawrsanaado”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mawaadin xamaasadeysan.
Inta badan dhismeyaasha Magaalada dhexdeeda waxa ka dul-babanaya Calanka Somaliland, waxaanay dadku wali suuqyada ka iibsanayaan agabka ay doonayaan inay kaga qayb qaataan Xafladaha Axadda dhacaya “ 18 May waxay noqotay ciida saddexaad ee Somaliland, waa maalin qaran”ayuu yidhi Mawaadin kale oo ka hadlay 18 May.
Gobollada Dalka
Diyaar garowga,ayaa ku koobnayn Magaallooyinka waaweyn, hase ahaatee ka socda deegaamada dalka intooda badan, sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha Gobolladu.
Madaxda Gobollada ayaa maalmo hore iclaamiyay weynaynta 18 May.
Masuuliyiin uu Madaxweynaha dalku hormuud ka yahay ayaa ka qayb-galay Munaasibadaha xuska.
Madaxweyne ku-xigeenka waddanka Cabdiraxmaan Saylici ayaa la filayaa inuu dadka Reer Awdal kula dabaal dego Magaalada Boorama.
Gobollada kale ayaa iyaga waxa booqanaya Masuuliyiinta Qaranka, sida Wasiirro iyo Madax kale oo goleyaasha dawladda ka tirsan, kuwaasoo badankoodu maanta ilaa caawa ku sii qul-qulaya goobaha loo cayimay.
Dhamaan Dalalka dibada ee ay joogaan Dadka reer Somaliland ayaa lagu qabanayaa xafladdo kale oo kuwa gudaha manaateeya sanad kasta.
Warbaahinta
Warbaahinta Maxaliga ah iyo ta Caalamiga ah labaduba waxay door muuqda ka qaadanayaan soo gudbinta dhacdooyinka beri ilaa caawa dhacaya.
Wariyeyaasha Gobanimo News Agency ee gudaha dalka iyo dibada ayaa isha ku haya sida wax u socdaan, waxaanan idiinku soo gudbin doonaa si toos ah, iyo warbixino kala duwan.
Kooxaha fanka
Kooxaha fanka ayaa Bandhigyo waaweyn ka dhigaya Magaalooyinka, kuwaasoo badankoodu caawa dhici doonaan.
Sidoo kale Fanaaniinta iyo bahda kale ee Suugaanta oo ilaa bishii hore isu diyaarinayay ka qayb qaadashada xuskan ayaa 48 saacadood ee inagu soo fool leh si weyn loo naawilayaa Suugaanta waddaniga ah ee ay warbaahinta iyo tooska u gudbinayaan.
Wali wax kastaa waa diyaar garow, Dadku waxay maanka ku hayaan waddaniyad, baraha internetka ee lagu sheekaystana waxa lagu baahinayaa fariimo ka turmaya Maalinta Qaran ee Somaliland.
Ujeedada loo weynaynayo 18 May
Ujeedada ugu weyn ee ay dadka reer Somaliland u weynaynayaan Maalinta dib ula soo noqoshada xoriyadoodu waxay tahay inay beesha Caalamka u gudbiyaan fariin muujinaya inay qadiyadoodu tahay mid lagama noqdaan ah.
Sidoo kale waxay dunida ka doonayaan in la soo jaleeco horumarka iyo haykalka dawladnimo ee ay dhisteen iyagoo gacan ka helin Bulshada caalamka.
Hal ku dhigyada inta badan lagu soo qaato 18 May ayaa ah kuwo xaqiijinaya aqoonsi raadiska Somaliland “waa in Somaliland la siiyo Aqoonsi Caalami ah”ayaa lagu muujiyay Hal ku dhiga Sanadka.
“Somaliland waa dal madaxbanaan” “ Somaliland waa Qaran jira” “ Somaliland maxay dunidu u aqoonsan wayday”? ayaa sidoo kale ka mid ah farrimaha laga gudbiyo Maalintan.
Siday ku timi 18 May
Inkasta oo ay tahay xusuus laysla wada yaqaano oo 23-kii sanadood ee la soo dhaafayba taagnayd, hadana hadii aan dib u xusuusiyo dadka aan wali ka dhegeysanayn, waa markii ay Somaliland ka goosatay dalkii laysku odhan jiray Somalia 18 May 1991-kii.
Gooni-isutaagan ayaa Magaalada Burco lagaga dhawaaqay, kaddib Halkan dheer oo ay dhaqdhaqaaqii SNM gobollada waqooyi kaga saareen dawladdii Milaterigu xukumayay ee Maxamed Siyaad Barre.
Waxaanay taasi ka dambeysay, kaddib markii sida ay Taariikhyadana iyo dadkii xiligaasi jiray ee reer Somaliland aaminsanyihiin in ugu yaraan 45000 oo ruux oo tayid ah dawladdii Siyaad Barre Xasuuqday, taasoo dhalisay Halgankii SNM iyo go’itaanka Somaliland.
Hal iyo dheeraad dad ku dhow ayaa iyaguna ku baro kacay gulufkii Milaterigu ku waajahay shacbigii ku noolaa Gobollada waqooyi.
Inkasta oo aan la soo koobi Karin sida ay ku timi go’aanka Somaliland ku go’day, hadana dhacdooyinka waaqiciga ah ee aan la ilaawi Karin ayaa dadka xusuusisa qiimaha xoriyadii ay lumiyeen 1960-kii.
Boqolaal iyo boqolaal ayaa ku agoomoobay, ku rajoobay, mana aha taariikh si fudud lagu hilmaami karo”ayay aaminsanyihiin hormuudka siyaasadda Somaliland iyo kuwii ku garaadsaday Calanka saddexda midab leh.
Maxaa ku cusub Sanad guuradii 23-aad
Marka la soo uruuriyo dhacdooyinka iyo Muuqaalada ku cusub Xuska sanad guurada 23-aad ee Madaxbanaanida Somaliland Kumanaan Askari oo ka mid ah Ciidamada Qalabka sida ayaa ku dabaal degaya Derejada ciidannimo oo badhatamihii sanadkii 2013-ka lagu taxay.
Waxaanay noqonaysaa markii ugu horaysay ee ay Ciidamada Dalku maalinta Xoriyada kaga qayb qaataan Maalinta Xoriyada iyagoo ku lebisan Haykanka Ciidannimo ee Derejooyinka, taasoo muuqaal ahaan wax badan ka bedelaysa Haybadda Askarta.
Muuqaalka Magaalada Caasimada ah ayaa wax weyn laga bedelay, isla markaana Laydh lagu xidhay waddada dheer ee hor marta Aqalka Madaxtooyada.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u baalaleeyey ammaanka Magaaladan Maalintii Jimcaha, kaddib markii uu Masaajid Suuqa ku yaala Salaadii Duhur ku soo dukaday isagoo aan Ilaalo badan waddan.
Xuska sanad-guurada 23-aad waxay ku soo beegantahay sanad si weyn Somaliland loogu dhaliilayo xoriyatal Qawlka.
Sanadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Somaliland laga dabaal-degayo iyadoo ay Xabsiga ku jiraan laba Suxufi, Xayiraadna la saaray laba Wargeys oo Maxali ah iyo Telefishan Caalami ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa January ilaa Bishan May la dabaal-degayo ku kacday talaabooyin is xig-xigay oo xad-gudub ku ah xoriyatal qawlka, kaddib markii ay albaabada u laabtay Xarumihii Wargeysyada Hubaal, Haatuf iyo Talefiishanka UNIVERSAL Xafiiskiisii Somaliland.
Sidoo kale, waxa Xabsi Rumaan ah todobaad ka hor lagu xukumay Guddoomiyihii iyo Tafaftirihii Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali.
“waxa isku soo beegmay Sanad –guurada 23-aad ee Xuska gooni-isutaaga Somaliland iyo sanadka 1-aad ee Geerida Xoriyatal qawlka Somaliland”sidaasi waxa ku doodaya Wariye Madaxbanaan oo ka hawl-gala Magaalada Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, Hambalyo, Hambalyo dadka reer Somaliland.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com / curad1986@hotmail.com
Toos noogu soo gudbiya dareenkiina iyo doodda aad qabtaan dadka reer Somaliland…