Washington (GNA) Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka ka shaqeeya ayaa la sheegay in ay soo wajahday caqabad cusub kadib markii Bangiga ugu weyn ee Xawaladaha Soomaalida lacagaha u xawila uu ku war galiyay in uu joojinayo u adeegida Xawaaladaha Soomaalida.
Bangiga ayaa Xawaaladaha Soomaalida ee lacagaha uu u xawili jiray ee Dalka Mareykanka ku wargaliyay in uusan wax lacag ah u xawili dooni marka la gaaro 20-Bisha June ee soo socota, taa oo samaeyn badan ku yeelan doonto Xawaaladaha Soomaaliyeed.
Arintan soo shaac baxday ayaa noqotay mid walaac badan ku beeray Xawalaadaha Soomaaliyeed iyo sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ee lacaga u dira eheladooda kusugan Dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo daafaha dunida ku yaala.
Congress-ka Mareykanka ayaa horaantii bishan meel mariyay mooshin ku saabsan xawaaladaha oo dabcinaya caqabadaha haysta., Waxaa la sugayaa in uu sharci noqdo mooshinkaasi markii uu meel mariyo golaha senate-ka uuna saxiixo madaxwaynaha Dalka Mareykanka.