Boorama-(GNA)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismail “Saylici” Iyo wafti wasiiro ay ka mid yihiin wasiirada,xidhiidhka golayaasha,wasiirka biyaha iyo wasiirka xanaanada iyo xoolaha somaliland iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka somaliland oo uu hogaaminayo ayaa goor danbe oo galabta soo gaadhay magaalada Boorama ,waftiga madaxwayne ku xigeenka ayaa soo dhawayntiisa ayaa waxa ka qaybqaadanayay maamulka gobolka kan degmada,Salaadiin iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo kaga hortagay magaalada Dilla oo Boorama u jirta 28KM.
Waftiga madaxwayne ku xigeenka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha Boorama waxaana uu ku dagay guriga Guest house ee Gobolka Awdal,madaxwayne ku xigeenka ayaa maalinta barri ah la filayaa in uu kala qayb galo bulshada reer Boroama munaasabada 23 guurada 18 may ee qaranamida Somaliland.
Madaxwayne ku xigeenka oo warkooban siiyaya saxaafada markii uu soo gaadhay duleedka magaalada Boorama ayaa uga mahadceliyay dadwaynihii badnaa eek u soo dhaweeyay magaalooyinka gabiley dila iyo Boorama waxa kale oo uu sheegay in ujeedka safarkiisu yahay ka qaybgalka munaasabada 18may oo maalinta barrri ah si wayn looga dabaaldagayo guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan degmada Boorama
Si kastaba ha ahaatee safarka waftigani uu hogaaminayo madaxwayne ku xigenka somaliland ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili habeenkan caawa si wayn ay ugu diyaar garoobayaan dadwaynaha reer boorama xuska 23guuraadii kasoo wareegtay markii ay somaliland madaxbanaanideeda dib ulasoo noqotay iyadoo geesta kalena ay xusid mudantahay in habeenkii xalay ahaa uu mudaharaad ka dhacay xaafad sh.cali jawhar ee magaalada borama kaasi oo ay dhigayeen dhalinyaro kasoo horjeeday xukuumada Somaliland ee uu horkacayo madaxwayne axmed maxamed maxamuud "siilaanyo" kuwaasi oo watay calanka awdal state.
BY:Mustafe Caraale
Gobanimo news
Borama office
