Caabud-waaq(GNA)-Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ee badhtamaha Somalia ayaa laga xusay sanad guurada 23-aad ee gooni isutaaga Somaliland.
Sida laga baahiyay Telefishanka Horn Cable, boqolaal ruux oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa isugu soo baxay goob fagaare ah, halkaasoo ay ku xuseen madaxbanaanida dalkooda.
Isu soo baxan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Gobolka Gal-gaduud, taasoo muujinysa xoriyada ay haystaan dadka deegaankaasi degen ee Gobollada Somaliland ka soo jeeddaa.
Halkan ka Daawo: