Muqdisho (GNA) Magaalada caasumada ah ee Muqdisho,waxaa maanta lugu soo dhaweeyey wafti ka socda baarlamaanka dalka Turkiga,waxaana ujeeddada booqashadooda lugu sheegay inay la xidhiidhto cilaqaadka labada baarlamaan.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa waxaa wafdiga ku soo dhoweeyay Soomaaliya Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur iyo Mudaniyaal kale oo katirsan Barlamaanka Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Xildhibaannada dalka Turkiga ka socday,waxaa horkacayey guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Saaxiibtinimada Barlamaannada Turkiga iyo Soomaaliya ee Wadanka Turkiga Mudane Haliil Urur kaas oo barqanimadii maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Xildhibaannada labada dal ayaa kulan kooban ku qaatay garoonka diyaaradha ee Muqdisho qeynta nasashaa,waxaana kulankooda uu ahaa is xog wareysi.