Wednesday, May 21, 2014

Shan Ruux oo ku dhaawacmay "Duqeyn cirka ah" Degmada Jillib


Jilib(GNA)- Ugu yaraan shan ruux oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaarad dagaal ka geysatay deegaanka Fara-gurow oo illaa 3-km dhinaca galbeed kaga toosan degmada Jilib.




Dadka dhaawacmay waxa la xaqiijiyay inay ku jiraan Nin waayeel ah iyo Ilmo Carruur ah oo uu dhalay , laba Haween ah iyo Qof yar oo Carruur ah oo kale.




Degmada Jilib ayaa waxa maamul ahaan gacanta ku haya Xooggaga Al-shabaab.




Wararka imanaya Deegaankan ayaa ku waramaya in dayaaradan ay dhowr gantaal ku dhufatay degaanka ay duqaysay.




Xoogag taabacsan Al-shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa soo buuxiyey degaanka Fara-gurow kaddib markii ay duqeyntu dhacday.




Waxaanay halkaas ka sameeyeen dhoolatus milateri oo ay ku muujinayaan iney diyaar u yihiin dayuuradaha soo weeraraay iney la dagaalamaan.




Ma jirto cid sheegatay Diyaaradan duqeynta geysatay, balse Dawladda Kenya ayaa hore u sheegatay duqeymo dhawr maalmood ka hor ay diyaarad kale ka geysatay degmada Maanyo hoose oo Gobolka ka tirsan.




Milateriga Kenya ayaa ka mid ah hawl-galka AMISOM, waxaanay taasi sababtay culays dhanka ammaanka ah oo dalkaasi gudihiisa ka soo kordhay.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com