Gabiley(GNA)-Masuuliyiin ka socda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee Somaliland ayaa Xabsiga Magaalada Gabiley ku booqday Masuuliyiin Wargeyska Haatuf oo halkaasi ku xidhan muddo todobaad ka badan.
Masuuliyiintan ayaa cambaareeyay xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cigge oo ah Tafaftiraha iyo guddoomiyaha Wargeyska xayiran ee Haatuf iyo Somalilandtimes.
Xubnaha Xisbiga UCID ayaa ayaan daro ku tilmaamay xukunka rumaanka ah ee lagu riday warieyayaashan, waxaanay Ururrada Saxaafadda Somaliland ugu baaqeen inay midoobaan.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbigaasi Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo booqashada kaddib hadlay, ayaa sheegay inay xadhiga Haatuf Media Network u arkaan sharci daro, xukunka lagu riday masuuliyiintuna uu yahay mid qarsoon oo qayrul sharci ah.
Halkan ka Daawo: