Muqdisho(GNA)-Fulinta amar alshabaab ka soo baxay, ayaa Muqdisho ka dhaqan galay, taasi waa arrin dad badan dhegahooda ku soo cusboonaanaysa laba sanadood ka ddib.
Shacabka degmada Heliwaa gaar ahaan xaafada Suuqa xoolaha ayaa dhaqan galiyey awaamiir ka soo baxay Al-shabaab ka dib markii labo maalin ka hor loo daadiyey waraaqo lagu farayo ammaro dhawr qodob ah.
Alshabaab ayaa ku amartay dadka deegaankaas inaan xiliyada habeenkii la shidi karinnalalka ku soo jeeda xaafadaha iyo wadooyinka, inaan guryo laga kireyn karin ciidamada dowlada, waxba laga iibin karin karin iyo qaar kale, cidii amarkaas fulin waysana loogu hanjabay in la beegsan doono.
Amarkaas kaddib waxa labadii habeen ee u dambeeyay, la demiyey nalalka ama leyrarka ku xidhraa guryaha iyo goobaha ganacsiga hortooda.
Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo wata hub , isla markaana madaxa cimaamado ku soo qarsaday ayaa xalay ku wareegayey xaafada suuqa xoolaha, iyagoo eegaya cida amarkooda fulisay iyo cida qaadan weysay sida ay sheegayaan dadweynaha halkaas ku nool.
Ciidamada dowlada oo saaka gaaray xaafada suuqa xoolaha ayaa xabsiga u taxaabay ganacsato fara badan oo halkaas dukaamo iyo sandaqado ku leh, iyadoo loo heysto sababta ay u fuliyeen awaamiir ka soo baxday Al-Shabaab.
Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee degmada Heliwaa C/xafiid Cumar Xirsi ayaa sheegay in amar ka soo baxay Al-shabaab uusan ka dhaqan geli Karin degmadaas, isagoo xusay in shacabka iyo ganacsatada degmadaas la sugi doono amaankooda, cidii fulisa amarka Al-shabaabna ay dhigi doonaan xabsiga.