Tuesday, May 20, 2014

Isgaadhsiinta Soomaaliya oo lagu Maal-gelinayo $70 Milyan oo Dollar


Bangiga horumarinta Africa iyo ka adduunka oo iska kaashanaya horumarinta Isgaadhsiinta waddanka + Sawiro




 




SHIRKA161Nairobi(GNA)-Shir  lagaga hadlayay Isgaadhsiinta Soomaaliya, ayaa ka furmay maanta Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.




Shirkan oo si wada jir ah usoo qaban qabiyeen bankiga horumarinta Africa iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgadhsiinta somaliya ayaa waxa looga tashanayey warbixin ka kooban 112 bogg oo ku aadan sida loo horumarin karo Isgadhsiinta Wadanka Dagaaladda ka soo kabanaya ee  somaliya.




Warbixintan  oo uu soo diyaariyey bankiga horumarinta Africka, lagu faaqidi doonaan  shirkani oo socon doona muddo labo maalin ah,waxaana ka qayb galay wasiirka Wasaraada Boosaha iyo isgaadhsiinta somaliya Mahamed Ibrahim Adan, Agaasimaha Guud ee wasarada Ahmed xaji Cabdi qaar kamid ah maamuulada kajira somaliya iyo shirkadaha Isgaadhsinta ee ka jira somaliya.




Furitaanka shirkaasi waxa  ugu horeyn kahadley Mahamed abdi Ware oo ah Maareeyaha mashruuca takulanayta isgadhsiinta ee wasarada boosaha iyo isgadhsiinta somaliya,kaasoo  sheegay in barnamijkani ka qayb qaadanayo takulaynta iyo dib u dhiska kabayasha dhaqaalaha oo ay kamid tahay isgadhsiintu.




Bankiga adduunka iyo ka horumarinta africa ayaa isgadhsiinta soomaaliya ku Maal-galinaya lacag dhan  70 millyan oo Dollar,taasoo wax lagaga qabanayo shanta sano ee soo socda isgadhsinta somaliya. SHIRKA23 SHIRKA110  SHIRKA171 SHIRKA191




 Cabdiraxmaan Buurdhaab




Gobanimonews




Kitale/ kenya  Office




 buurdhaab4@gmail.com