Tuesday, May 20, 2014

Ardayda Jaamacadda ADMAS ma waxa la Baray Qiimaha Wadaniyadda?Warbixin + sawirro


 




Boqolaal ku lebisan maryo Calanka Somaliland iyo Magaca Jaamacadda ADMAS lagu mataaneeyay ayaa xuska 18 May ku muuneeyay socod Gaardis ah oo ay filkood kaga Miisaan cuslaayeen..hoos ka daawo Sawiro badan




DSC03613Hargeysa(GNA)-Boqolaal Arday oo wax ka barta Jaamacadda ADMAS Faraceeda Somaliland, qaybta ugu weyn ee Hargeysa, ayaa ka qayb-qaatay socod Gaardis oo ay Shaqaalaha Dawladda, Ardayda Jaamacaddaha, kuwa Dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo Ciidamada Qalabka , ku mareen waddada Madaxtooyada hor marta Axadii Doraad oo ku beegnayd xuska sanad-guurada 23 ee Gooni-isutaaga Somaliland.




Ardayda Jaamacada Admas oo sitay Boodhadh ay ku xardhanyihiin Hal ku-dhigyo ka turjumaya Qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo Calanka dalka, ayaa si weyn uga dhex muuqday qaybihii kala duwanaa ee halkaasi socodka ku maray.




Astaamo




“Waxay u socdeen koox-koox, iyagoo boodhadhka ay wateen qaybahooda ku muujiyay, waxay ku lebisnaayeen Dhar ay ku xardhanyihiin magaca Jaamacadda iyo calanka Somaliland oo ka koobnaa Garamaan, Koofiyaddo iyo Jeeni-qaar.DSC03612




Jaamacaddo kale




Inkasta oo ay Jaamacaddo kale oo ka dhisan Magaalada Hargeysa ka qayb qaadanayeen Gaardiska, hadana tiradda ardayda Jaamacadda ADMAS ka socday ayaa ahaa kuwo  miisaan ahaan iyo muuqaal ahaanba  ku saddex laamayey, isu geynta dhamaan ardayda Jaamacadaha kale ka socday ee ay Indhaha bulshadu ku dhacayeen.




Taariikhda Jaamacadda Admas




Jaamacadda ADMAS, ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee  Tacliinta sare lagu barto Somaliland, waxaanay magaallooyinka waaweyn ee dalka ku leedahay qaybo kale oo ka farcamay xarunteeda guud ee Hargeysa.




Sanad kasta waxa ka qalin jabiya ama ka Aflaxa boqolaal Arday oo dhamaysta Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddu bixiso, kuwaasoo ay ka mid yihiin, culuumta Dhaqaalaha, Tiknoolajiyada kala duwan, Siyaasadda iyo Injineerinka (Engineering).




Ardayda Jaamacadda ADMAS ee ka qayb-galay dabaal-degyada xuska 18 May oo aan ku koobnayn Magaalada Hargeysa oo qudha, balse gobollada kalena sidan oo kale uga qayb-qaatay, ayaa xuska ku soo bandhigay Kalsoonida ay Jaamacaddu ka haysato bulshada iyo inay gacanta ku hayso tiro aad u badan oo  aqoonyahano dalka wax u baranaya ah, kuwaasoo ay ka markhaati kacayaan dhamaan dadkii indhoohada ku arkayay Munaasibadihii ka dhacay Hargeysa ee ay qaarkood soo abaabuleen, kuwana ka qayb qaateen.




Xafladdo kale




“anigoo ku hadlay Macaga Jaamcada Admas waxaan Halkan halkan uga hambalyeynayaa dhamaan shacabka reer Somaliland munaasibadan Qaaliga ah ee 18-ka may.DSC03615




halku dhiga maanta meesha yaala waxa weeyi horumar iyo ictiraaf labadaas uun kuma xidhna, wax laga filayaa aqoon yahanada inay ictiraafka ku raadiyaan articles la qoro oo caalamka laga dhaadhiciyo Somaliland”sidaasi waxa yidhi masuul sare oo ka hadlayey afka Maamulka Jaamacadda ADMAS, kaasoo khudbad ka jeediyay xaflad habeenimadii Axadu soo gelaysay loogu diyaar garoobeyay dabaal-degyada 18 May oo ka qabsoontay xarunta Jaamacadan.




Ixsaan Cumar Ismaaciil oo xafladaasi ka hadlayay ayaa intaasi ku daray  “Horu marka waxa keena Dhalinyaradan meesha fadhida,  hadaan u hurtaan dalkiina ugu hurtaan Aqoontiina iyo xoogiina iyo kartidiina, waxaan hubaan in Horu mar wayn la gaadhi karo, horu markaa hadii la gaadhana Ictiraaf baa iman doona, markaa waxaan idinkula talinayaa inaad dadaalkiina libin laabtaan”,  ayuu yidhi Ixsaan.




Munaasibadan Ardayda Admas ugu diyaar-garoobayeen Xuska 18 May, waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka socday laamaha dawladda Somaliland, Maamulka sare ee Jaamacadda iyo Boqolaal Arday oo Calanka Somaliland siyaabo kala duwan dushooda ugu sharaxay.




Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyay Xaflada ayaa u mahad naqay da’yarta wax ka barata Jaamacadda ADMAS ee Munaasibada soo qaban qaabiyay, waxaanu tilmaamay inay ku dayasho mudanyihiin.




Hal-ku-dhigyo




Hal- ku-dhiga sanadka ee xuska 18 May ayaa ahaa “Somaliland waa inay heshaa Ictiraaf ku dhisan nabad-gelyo iyo horumar”, waxaana boodhadhka ay siteen boqolaalka Arday ee Jaamacadan ka tirsani qaarkood ku xardhanaa  weedhahaasi.




Tani waxay muujinaysaa inay Jaamacaddu gacanta ku hayso kumanaan jacaylka waddoonka kaga qayb –qaadan kara abaabul kasta oo Qaran.




Iyadoo dadka qaar isweydiin karaan marka ay arkaan Miisaanka Da’yartii metelaysay Jaamacadan, Su’aal: “odhanaya ma si gaar ah ayaa loogu barbaariyey waddaniyada?” .DSC03611   DSC03614  DSC03616 DSC03617 DSC03618 DSC03619 DSC03620 DSC03621 DSC03622 DSC03623 DSC03624 DSC03625 DSC03626 DSC03627 DSC03628




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com