Madaxweyne Shacbigu waxay kaa doonayaan inaad damaanad ka bixiso Masuuliyiinta Xukuumaddaada..
Hargeysa(GNA)-Tani waa su’aal caqliyada caadiga ah ka baxsan, laakiinse wararka la xidhiidha mawduucan ayaa ah mid isa soo tarayey muddooyinkan dambe.
Masuuliyiinta xilalka sar sare looga magacaabo xukuumadda ayaa beryahan dambe noqday kuwo aan inta badan raad-raac siyaasaddeed oo aqoonin ah ku lahayn saaxada siyaasadda, hase ahaatee Wareegtada lagu magacaabo uun laga maqlaa magacyadooda, wajigooda in la arkaana ay ugu horaysaa maalinta xil-wareejinta.
Tani waxay sababtaa in dadka qaarkii muddo isweydiiyaan inay aqoonsadaan ashkhaasta xilalka loo magacaabay, marka laga tago inta garanaysa ee uu si uun xidhiidhku uga dhexeeyo.
Nin wax ka qora arrimaha siyaasadda ayaa dhawaan falanqeeyay masuuliyiinta Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay inaanay xubnaha madaxweynuhu magacaabaa, derejooyinka ay sitaan wada lahayn, tusaale ahaan Dr. Professor, Eng. iyo wixii la hal maala.
Waxa jira Wasiirro, Maareeyayaal iyo Agaasimeyaal Madaxweyne Siilaanyo magacaabay oo derejooyinkan lagu tilmaami, balse marka loo eego Kartidooda shaqo iyo isbedelka ay ku sameeyaan shaqada loo igmaday ay ka hogaamin wanaagsanyihiin kuwo badan oo aan heerkan aqoon ahaan gaadhin.
Kaddib markii ay Aqalka Madaxtooyada Somaliland ka soo baxday Wareegtadii ugu dambeysay ee Madaxweyne Siilaanyo xil ku magacaabay, laamaha xuuraanka waxa ka soo baxayay warar shaki ka muujinayay Masuuliyiin xilal ka haya Xukuumadda.
Inkasta oo ay adagtahay in si cad farta loogu fiiqo ama la magacaabo xubnaha diirada lagu hayo, hadana saraakiil laamaha daba-galka Somaliland ka tirsan ayaa laga soo xigtay inay muhiim tahay inay bulshadu ogaato shakhsiyadda dadka xilalka loogu dhiibayo shacbiga ee madaxweynuhu magacaabo.
“dee inta badan beello ayuunbaa qof soo loopin gareeya, laakiinse way adagtahay in madaxweynuhu ogaado shakhsiyadda qofkan, cida uu xidhiidhka la leeyahay, markaas taasi waa khatar”sidaasi waxa Gobanimonews oo arrintan daba-gal ku samaysay sheegay Sarkaal dawladda ka tirsan.
Inay dad danno shisheeye u addeegaa xilal ka qabtaan xukuumadda ayaa ah mid aad u fudud, hadii aanay laamaha dawladda ee qaabilsan jinsiyaddaha, ammaanka iyo socdaalku hubin qofka laga magacaabayo.
Warbixin dhawaan lagu baahiyay warbaahinta dalka ayaa lagu shaaciyay Magacyada masuuliyiin dawladda ka tirsan oo wada shaqayn Dhaka mukhaabaraadka ah leh dawladdaha Gobolka, sida Djibouti iyo Ethiopia.
Hadal hayntani waxay muujinaysaa jiritaanka arrimahan qaarkood.
Xukuumadda Siilaanyo ayaa farta lagu fiiqayaa inuu dhawaan ku soo biiray sarkaal nabad-sugida Itoobiya ka tirsan, kaasoo Madaxweynuhu magacaabay.
Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ah nidaam ay isugu yimaadeen Kooxo siyaasadda maamul ahaan ku cusub, kuwa sanaddo badan ka soo muuqday dawladihii dalka soo maray iyo qaar dhexdhexaad ah ayaa la rumaysanyahay inay ku jiraan xubno xilal muhiim ah haya oo xidhiidh toos ah la leh Urur diimeedyada Gobolka saameyn ku leh, dawladdo shisheeye iyo Shirkaddo dano Ganacsi oo aanay wali u bislaan inay fushadaan ka leh waddanka.
Taasi hadii ay noqoto mid ay isku fahmi waayaan dhinacyada iska soo horjeedaa waxay abuuraysaa khatar maamulka gudihiisa ka qaraxda oo maareynteedu ka sal balaadhato xubno madaxweynuhu eryo.