Rabshado kooban ayaa ka hor yimi dabaal-degyada Xuska 18 May ee Magaalada Ceerigaabo, kaddib markii ay kooxo dhalinyaro ahi shiid iyo diidmo Maalinta salka ku haysa kala horyimaadeen Dad banaan baxayay.
Ciidamada Ammaanka wakhti kooban ku soo afjaray rabshadahan, waxaana Munaasibaddaha 18 May laga soo dareeray goor dambe oo 12:00 ku dhowdhow.
Wariye ku sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa Gobanimonews u sheegay inay Ciidanku ku guntadeen rabsho-wadeyaashaasi.
Dhinaca kale, waxa Munaasibadaha sanad-guurada 23-aad ee xoriyada Somaliland kala qayb-galay dadweynaha reer Ceerigaabo Wefti Wasiirro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Wasiirrada ayaa dadweynaha kala hadlay Fagaareyaal ku yaala Magaalada Ceerigaabo, halkaasoo ay ka jeediyeen hadalo la xidhiidha fariin sanaddeedka Xukuumaddu u qorsheysay in sanadkan lagu muujiyo qadiyada Madaxbanaanida.