Sunday, May 18, 2014

Wiil Dhalinyaro ah oo Toogasho lagu dilay Hargeysa


Hargeysa(GNA)Wiil dhalinyaro ah ayaa lagu dilay Saaka arroornimadii hore Xaafadda Gol-jano ee Magaalada Hargeysa, kaddib markii Nin Askari ah oo ay isku qoys yihiin Rasaas Ooda kaga qaaday isagoo gurigooda jooga.




Wiilkan oo magaciisa la odhan jiray Cabdirisaaq Cabdilaahi ayaa Ninka dilay la sheegay inuu adeer u ahaa, isla markaana uu Guriga saaka ugu yimi isagoo hurda kaddibna waxa la sheegay inuu xabad ku furay.




Ugu yaraan saddex xabadood oo rasaas ah ayaa la sheegay inay ku dhacday Marxuumka dhintay, taasoo dhaawacyo culusi ka soo gaadheen.




Xubno ka mid ah Ehelada Marxuumka oo aanu kula kulanay Cisbitaalka guud ayaa Gobanimonewws u xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Cisbitaalka, halkaasoo isagoo dhaawac ah la keenay.




Cabdirisaaq Cabdi –yare ayaa ka mid ahaa dhalinyarada xaafadda Gol-jano.