Sunday, May 18, 2014

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Eng: "Saylici" Oo Xuska 18 May Kala Qaybgalay Bulshada Reer Borama+Sawiro


 




hada copy




Borama.(GNA):.'Maanta oo ay ku beegan tahay sanad guuradii 23aad ee kasoo wareegtay Gooni isku taaga  jamhuuriyada soomaaliland ayaa waxa laga xusay guud ahaan dalka iyo degmooyinka soomaaliland munaasabad taasi la mida ayaa waxa laga xusay magaalada boorama ee xarunta gobolka awdal xuskaaasi munaasibadaasi oo lagu qabtay khayriyada magaalada ayaa waxa kala qeyb galay dadweynaha reer boorama madaxweyne ku xigeenka soomaaliland Eng c/raxmaan c/laahi ismaaciil "saylici" , Raxan wasiiro ah  ,maamulka gobolka , kan degmada ,isuduwayaasha wasaaradaha kala duwan ee gobolka ,agaasimayaal iyo masuuliyiin ka socotay goloyaasha qaranka wakiilada iyo guurtida iyo dadweyne aad u tiro badan oo saaka u soo baxay xuska sanad guurada 23aad ee 18 may oo ah maalin qiimo ku leh soomaaliland munaasabadani ayaa intii ay socotay waxa ay ciidamada kala duwan sida ciidanka militariga , asluubta oo ayaa waxa salaan sharaf ka qaatay madaxweyne ku xigeenka dalka Eng "Saylici" sidoo kale iyaguna waxa salaantaasi bixiyay shaqaalaha wasaaradaha kala duwan iyo shaqaalaha dawlada hoose ee degmada boorama geesta kale waxa iyana halkaasi lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee saylicida oo ay soo bandhigeen dhalinyaro ay tababartay ururka haweenaka qaranka ee NOW intii ay socotay munaasabadaasi ayaa waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyay masuuliyiin kala duwan ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadlay oo daah furay munaasibada maayirka magaalada borama Saleeban xasan xadi  oo isagu dadweynaha ugu hambalyeeyay isku soo baxa ay sameeyeen uguna baaqay inay ilaaliyaan nabad galyada guulna u rajeeyay dadweynaha reer soomaliland uguna hambalyeeyay munaasabada 18 May meelkasta oo ay joogan,sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha soomaaliland Cabdi awdaahir oo isaguna sidoo kale  dadweyanaha ugu horayn ugu  hambalyeeyay  munaasabada 18 may una rajeeyay inuu illaahay sanadkaa sanadkiisa uu barwaaqo ku gaadhsiiyo shacabka soomaaliland Cabdi awdaahir ayaa sidoo kale ka sheekeeyay hawlaha ay wasaradiisu bulshada u hayso iyo wixii ay qabatay mudadii uu xilka hayay isna bar bar dhigay 18 may sanadkii hore iyo sanadkan iyo isbadalka ay wasaaradiisu samaysay geesta kale isna waxa halkaasi ka hadlay badhasabka gobolka awdal Cabdoo axmed aayar oo si wayn ugu mahadceliyay dadkii sida quruxda badan uga soo qayb galay xuska 18may ee gobolka awdal  waxa uu sidoo kale  dhamaan dadweyanaha soomaaliland meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyey munaasabada 18 may oo uu ku tilmaamay maalin qaran oo ay dadka reer soomaaliland madaxbanaanidii ay kala soo noqdeen dalkii la isku odhan jiray Somalia sheegayna in malintan ay mudantahay xus gaara isla markaana dadka ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabad galyada badhasaab Abdoo axmed aayar ayaa magrafoonka ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka soomaaliland Eng..c/raxmaan c/laahi ismaaciil "saylici" madaxeyne ku xigeenka ayaa dadweynaha reer boorama si aada ugu hambalyeeyay munaasabada 18 may sidoo kale saylici ayaa sheegay inay soomaaliland dadkeedu ay go,aansadeen inay dhistaan qaran kan 23 jirsaday aanay mardanbana ka noqonaynin mawqifkooda gooni isutaaga Md: saylci ayaa ka hadlay taariikhda soomaaliland ee mudadaasi 23 sano wax qabsatay iyadoo aaanay beesha caalamku waxba la qabanin iyo sida ay demo qaraadiyada u dhisatay oo uu sheegay inay tahay wax ka go,an dadka reer soomaaliland saylici ayaa beesha caalamka fariin u diray waxa uu sheegay { Nabadgalyada soomaliya waxa ay ku xidhan tahay aqoonsiga soomaaliland hadii aad soomaaliland aqoonsataan wax ayay ka qaban doonaan amaanka dadkooda walaalaha ah ee soomaaliya } saylici ayaa sidaa yidhi mar uu maanta kala qayb galay dadeynaha reer boorama munasabada 18 may




Isku soo wada duuboo munaasibadani xuska 23guuradii kasoo  wareegaty markii ay somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda 18may ayaa waxa ay kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan iyadoo farxada iyo muujinta jacaylka ay u qaban dadka reer somaliland dalkooda aad ka dheehanaysay dhamaan wajiyada dadka reer awdal ee isugu soo baxay fagaaraha khayriyada magaalada borama 




Hase ahaatee waxa iyaduna xusid mudan in faraqa u dhaxeeyay dabaaldegan 18may ee 2014 iyo dabaaldegyadii hore ee lagu xusi jiray maalintani qaran uu ahaa wakhtiga soo gabagabaynta oo ay sid'aada ugu kala duwanaayeen munaasibada maanta lagu xusayay 23guuradii kasoo wareegatay Gooni isku taaga  somaliland ayaa waxa lasoo afjaray abaara saacadu markay ahayd 8:40.Am Ka dibna dhamaan shaabku ay faaruqiyeen fagaaraha khayrida magaalada Borama.




BY:Mustafe caraale




Gobanimo news




Borama office




??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????




 




Photo1223Photo1225Photo1226Photo1227Photo1231Photo1233Photo1237Photo1240