Wasiirka wasaaradda warfaafinta cabdilaahi maxamed Daahir cukuse ayaa mashruuc ka dhigtay dagaalka uu ka dhex-wado xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo Tv-ga laga leeyahay dalka somaliya ee lagu magacaabo universal Tv,wasiirka ayaa wakhti ay muddo ka soo wareegtay uu mamnuucay inuu dalka ka hawl-galo Tv-gaasi,waxaanay colaadi tv-gaas ay kusoo koobantay wasiirka wasaaradda warfaafinta cabdilaahi cukuse iyo Tv-ga universal.Wuxuuna Tv-gu bilaabay dacaayado raqiis ah oo uu ku ceebeynaayo masuulinta qaranka somaliland oo uu kow ka yahay madaxweynaha somaliland,waxanay akhirkii kusoo gu’dhay inay dagaalkoodu isku bedelay mid uu dhexeeya wasiir cukuse iyo Tv-ga universal,waxaanay ka sammeeyen wasiirka warfaafinta dacaayad keli ku ah,waxanay abuureen barnaamijka ay ugu yeedhan faaliyaha qaranka oo ku kooban wasiir cukuse,kaaso uu si weyn uu dhibsaday wasiirku,wuxuuna barnaamijkaasi wasiirka uu ahaa mid uu diiday jiif iyo joogba.Waxaana si weynaatay colaadii uu dhaxaysay wasiirka oo kaga rogaal celiyey cay uu adaagsaday si xun wuxuuna ku dhawaaqay oo mamnuucidii ku darsaday inuu ganacsatada somaliland ugu baaqo inay ka joojiyaan Tv-ga universal xayaysiiska ay siiyan Tv-gaas waxaanay taasi mar-kale colaad ku abuurtay bahda universal oo bilaabay dacaayado lidku ah qaranka oo uu isaagu kow-ka yahay waxanay markale ku waraysteen wasiir cukuse faaliyaha qaranka barnaamijka ay ugu magac-dareen.taasna waxaa mar labaad ka jawaabay wasiir cukuse oo isna qabtay shi-jaraa”iid oo uu ku aar-goosanaayo wuxuuna ku sheegay inay maxkamadda la tiigsan doonaan masuuliyiinta Tv-ga oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen mihnadii saxaafadda wuxuuna yidhi”wasiirku waxay ka sinnaysteen mihnadii saxaafadda oo ay ku xad-gud-been wuxuuna wasiirku intaas si raaciyey in aanu weligiis ka hawl-geli dooniin somaliland”waxaa kale oo uu wasiirka hadalkiisa ka muuqatay cadho uu ka qabo,barnaamijkaas ay ku dacaayadeeyeen wasiirka warfaafinta cukuse,waxaa kale oo uu wasiirku qabba fikir ka duwan kay qabaan masuulinta uu ka mid yahay madaxweyne siilaanyo,sida ka muuqatay barnaamijkooda oo ay ku salleeyen in aan laala ogeyn xayiraadi uu saaray wasiirku,oo ay dad badan uu arkaayeen in aan la xayirin balse laga qaadi lahaa ganaax culus iyo magdhow laga qaado iyaado loogu talo-galay inay raali gelin weyn ka bixiyaan dacaayadda ay uu geysteen madaxweynaha qaranka somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo)
Waxaa si foggaatay colaadi uu dhaxaysay Tv-ga universal iyo wasiir cukuse waxaanay markale Tv-gu qabteen barnaamijka faaliyaha qaranka waxaanay wasiirka ku eedeeyen inuu shilkii ay galeen wasiiradda uu isaagu ka mid yahay ee dhaawacu kasoo gaadhay ee ka dhacay deegaanka geelookor oo uu dhow magaalada berbera,inuu ahaa mid si badheedh ah uu ula beegsaday wasiirka dhigiisa ah ay isku maamulka yihiin oo hore uu ahaa hoggaamiyihii ururkii jabhada lagu magacaabi jiray SSC Saleebaan Cise xagla Toosiye waxaanay yidhaahdeen wasiir cukuse waxaa uu ku talo galo galay inuu laamiga ka rido wasiirka caafimaadka waxaanay gundhig uga dhigeen colaad ka dhaxaysay labadooda.
Hadaba waxaa dhacday dhacdo kale oo ay dad badani wax iska weydiiyeen oo ahayd cida ka danbeysay masuul ku sugan magaaladda Hargeisa oo la sheegay inuu ahaa masuulkii somaliland ee Tv-ga universal kaaso sheegay ina Raali gelin ka bixinayaan dacayadaas oo ka baxsanayd anshaxa warbaahinta,wuxuuna masuulkaasi sheegay in aanay suurto gal ahayn in la si wado colaada,waxaanay dad badani is weydiiyen ninkaani inuu ka run sheegay shaqaadisi hore ee ahayd masuulnimada Tv-gaas,waxanay dadka qaarkood dareen ka muujiyeen inay soo istaadhay xukuumaddu oo anay waxba kala ogeyn masuuliyiinta Tv-ga universal.waxaana hadalkiisa markiiba ka daba qaatay wasiir cukuse oo sheegay in aanay aqbaleyn wax la yidhaahdo Raali gelin oo ay ka go’aantay maxkamadda ay soo taagan universal taaso dareen ku abuurtay shacab badan, inay isuu codeynayaan masuulinta Hargeisa ku sugan iyo wasiir cukuse.
Wasiir cukuse ayaa hadda ku hawlan inuu si xoojiyo colaada uu dhaxaysa xukuumadda uu ka mid yahay iyo Tv-ga universal u dhaxaysa,wasiir cukuse ayaa hadana maalintii shalay ku celiyey af-lagaado kale oo ku wajahan tv-ga laga leeyahay soomaaliya,waxanay hadda uu muuqataa in wasiirka uu mashruuc ka dhiganaayo arrintaa Tv-ga universal,waxana laga yaaba inuu jecel yahay cayda iyo af-lagaadada uu Tv-gaasi kula kaco madaxda dalka,waxaana taas markhaati ka ah mooshinkan uu maalin walba dadka la hor immaanaayo ee ku saabsan Tv-ga universal oo ay hadda dadku iska daayen dawashadiisa waxanay bulshada qaarkeed ay qaban inuu wasiirku waayey mashruuc kale oo aan ahayn Tv-gaas oo ay kasoo gudhay khilaafyadii wasaaraddiisa oo uu ku guul-daraytay,sidoo kale wasiirka ayaan joogi karin ilaayo uu cid duqeeyo oo uu kula dul-kufo eedo ka madhan milgaha uu leeyahay siyaasigu,sidoo kale waxaa ka muuqatay shalay wasiir cukuse inuu qawaday soo dhoweyn la sheegay inuu kharash-keeda soo dirtay,taaso uu meesha ka waayey waxanay ilo wareedyo looga qaaten ahii uu sheegen war sidaha xogreebnews.com inuu wasiirku soo dalbaday inay xertiisu soo qaban qaabiyaan soo dhoweyn ay ka saasan qolooyinka ay siyaasadda isku hayan,waxaana suurto gal ah markii uu waayey ay ku kaliftay inuu caayo dad ay kala tafbiix-sadeen beri hore waxaana suurta gal ah inuu wasiirku doonaayo inuu ka mid noqdo siyaasiyiinta miisaanka leh maadaama oo uu soo dal-banaayo in ay soo dhoweyntiisu ka nixiso dad badan.la soco.
Qalinkii
Cabdi casiis Bashiir Nuur