Monday, April 7, 2014

War deg deg ah: Ciidanka RRU-da Somaliland oo Al-baabadda u laabay Xarunta Wargeyska Haatuf


Taliyaha Ciidanka Bilayska iyo Yuusuf Cabdi gaboobe oo ka hadlay Xayiraada Wargeyska iyo ciidanka la wareegay iyo Baashe Moorgan oo lagu eeddeeyay Qafladda la saaray..




haatufHargeysa(GNA)-Kolanyo ka tirsan Ciidanka Birmadka iyo kuwa ka hortaga xaaladaha degdega ah (RRU), ayaa goor dhaweyd la wareegay Xarunta Wargeyska Madaxa banaan ee Haatuf Media Network ee Magaalada Hargeysa.




Wargeyska Haatuf ayaa ka mid ah wargeysyada Maalinlaha ah ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, waxaanu leeyahay qayb luuqada Ingiriisiga ah oo todobaadle ah.




Mid ka mid ah Hawl-waddeenada Wargeyskaasi oo ku sugnaa xarunta markii lala wareegay ayaa Gobanimonews u xaqiijiyey inay guud ahaanba Xarunta Wargeyska qabsadeen ciidan tiro badan oo uu hogaaminayo Sarkaal Magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Af-nin ku haye.CIIDANKA




Xarunta Wargeyska ayaa guud ahaanba dadkii ku sugnaa oo ay shaqaaluhu ka mid yihiin laga soo dareeriyay, cid la xidhayna ma jirto.




Ciidanka ayaa sitay Warqad lagu xayirayo xarunta Wargeyska, taasoo ay Maxkamada ka soo qaateen sida la Wararku nagu soo gaadhayaan.




“toban daqiiqo ka hor ayay meesha nagu dul qabsadeen Ciidan konton askari ka badan oo hubaysan, dabadeed waxay nagu yidhaahdeen ka soo dareera meesha, wax alaab ahna lagama qaadi karo, dabadeed waanu ka soo baxnay”ayuu yidhi Wariye ka tirsan Haatuf oo Xafiiska ku sugnaa.




Suxufiga ayaa sheegay inaanay jirin wax dacwad ah oo hore wargeyska ugu socotay, taasoo loo aannayn karo weerarka lagu qabsaday, hase ahaateee waxa uu sheegay inay sababta keentay arrintan u filayaan dhaliilaha wargeysku ka qoray arrimaha siyaasadda xukuumadda.




Xadhig hore oo wargeysyo




Waa wargeyskii labaad ee Dawladdu awood ciidan kula wareegto sanadkan gudihiisa, waxaana wali xayiran oo Xal iyo maaro loo la’yahay Wargeyska Hubaal oo horaantii Bishii Janaury ee sanadkan Hadh cad sidan oo kale ciidan RRU ah  loo geliyay.




Maamulka Wargeyska iyo tafaftireyaasha




Guddoomiyaha Wargeyskan Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay inay xayiraada lagula wareegay Xafiiska wargeyska u aanaynayaan warar ay ka qoreen Wiil Madaxweynuhu sodog u yahay iyo arrimo musuqmaasuq.




Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa isna goor dhaweyd BBC-da u sheegay inay xadhiga xarunta Wargeyska sifo sharci ah u soo mareen.




 Wargeyska Haatuf ayaa  sanadkii 2007-da xadhig dheer iyo Ganaax Maxkamaddu ku xukuntay Tafaftirihii xiligaasi iyo Mulkilaha Wargeyska Yuusuf Cabdi Gaboobe, xiligaasoo ay dalka ka talinaysay xukuumaddii UDUB.




Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Mulkilaha Haatuf Media Network iyo Cali Cabdi (Cali nac-nac oo ahaa Tafaftiraha Wargeyska  Mustafe Cumar  sheikh oo Wariyeyaasha ka mid ahaa ayaa xiligaasi xukuumadii  Daahir Rayaale xabsiga  u dhaadhicisay.




Wargeyska Haatuf ayaa ka mid ahayd Wargeysyadii ugu horeeyay ee dalka laga soo saaray, xili Marxaladdo siyaasaddeed oo qalafsan iyo kuwo amni dalka ka jireen.




gabood fallo hore




Xadhiga suxufiyiinta iyo xayiraada xarumaha Wargeysyada ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Saxaafadda afartii sanadood ee ay xukunka haysay ayaa ah gabood faladii ugu badnaa ee loo geystay Warfidiyeenadda.




Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa intii aan la dooran madaxweyne Siilaanyo balanqaadyo ay ka mid tahay xoriyadda Saxaafaddu Shacbiga Somaliland u balanqaaday, kuwaasoo u muuqda hal bacaad lagu lisay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com