Weeraryahanka reer Argentina Sergio Aguero ahna hogaamiyaha kooxda Man City ayaa si rasmi ah uga soo kabtay dhaawacii uu dhanka muruqa ka qabay waxaana xidigan la sheegay inuu todobaadka dambe safan doono kulanka ay kooxdiisa garoonka Anfield kula cayaari doonto naadiga Liverpool, Aguero uma uusan safanin City tan iyo 12-kii bisha Maarso ee aan kasoo gudubnay madama uu dhaawac dhanka muruqa hoose soo gaaray balse haatan si wanaagsan ayuu usoo kabtay wuxuuna sameeyay maal mihii ugu dambeesay tababar buuxdo sida darteed macalin Manuel Pelligrini ayaa saxaafada u sheegay in xidigan uu haatan caafimaad qabo sidoo kalena uu todobaadka dambe kooxdiisa kasoo muuqan doono.
Balse Sergio Aguero ma safan doono kulanka ay maanta Man City garoonkeeda kula cayaari doonto naadiga Southampton wuxuuna tababare Pelligrini yiri “Sergio haatan aadbuu u wanaagsan yahay balse kulanka Southampton ma cayaari doono laakiin todobaadka dambe waa hubaal inuu kulanka Liverpool safan doono” Aguero ayaa xili cayareedkan kusoo baxay xidig aysan Man City ka maarmin madaama uu goolal farabadan u dhaliyay sidoo kalena hogaankiisa la amaanay balse kulamo muhiim ah ayuu kooxdiisa xili cayaareedkan ka maqnaaday waxaana dhibaato ku noqday dhaawac dhanka muruqa ah wuxuuna macalinkiisa ka rajeynaa inuu si joogto ah kooxdiisa ugu cayaaro inta ka harsan Premiership-ka sidoo kalena uu todobaadka dambe Man City ka caawiyo sidii ay Liverpool kaga badin lahaayeen kuna tiigsan lahaayeen hanashada Premiership-ka.