Saturday, April 5, 2014

R/wasaaraha Ingiriiska oo ka digay qorshe Xag-jirminada lagaga fidiyo Dugsiyadda


“Ma aqbali doono dugsi kasta oo ay maamulaan kooxaha xag-jirka ah  ama..”David Camaroon




golsiLondon(GNA)-David Cameron ayaa ka hadlay markii ugu horeysay ka arrin ku saabsan qorshe  lagu eeddeeyay inay ku hawlanyihiin xagjirka Islaamiga ah ee waddankaasi,kaasoo la sheegay inay ku tashkiilinayan ardayda dugsiyada dawladda  ee Magaaladda Birmingham.




Waxa la aaminsan yahay in la baarayo 12 dugsi oo ku yaalla magaalada Birgmiham ka dib markii sida la sheegay in xubnaha aan Muslimiinta ahayn ee shaqaalaha ah, la aqbalsiiyay in Ardayda lab iyo dhaddiga ah la  kala takooro iyo in  kiniisadaha oo loo isticmaalo in lagu dhiirigeliyo waxbarista Al Qaeda!.




David Camaroon ayaa balan qaaday in la qaadayo talaabooyin 'ficil dagdag ah ' si loo hubiyo in la isticmaalayo hab lagu faafinayo  caqiidada argagixisada.




Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa Salaasaddii todobaadkii hore soo bandhigtay warar ku saabsan baadhitaanka ku socda Dugsiyaddan.




Reysal-wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa sheegay inaanay aqbali Karin arrinta shakiga laga qabo ee ku saabsan in Fikirka Xag-jirnimada lagu fidinayo goobaha waxbarashada.




“Ma aqbali doono dugsi kasta oo ay maamulaan kooxaha xag-jirka ah  ama kor u qaadida aragtida xag-jirka ah”ayuu yidhi.




“Ma aqbali karno, waxaan haynaa inay  leeyihiin  awoodaha ay u baahan yihiin inay dhexgalaan dadka, Waxay awoodi karaan inay helaan oo  ay jiraan kormeero si ay arkaan meesha ay wax ka leeyihiin ee  wax ka qaldanyihiin”ayuu hadalkiisa raaciyay.




 Khalid Mahmood oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Baarlamanka ayaa sheegay in arrintan oo kale hadal heynteedu soo ifbaxday siddeed sanaddood ka hor laakiinse markii dambe ay been noqotay.




Tahir Alam oo 17 sanadood badhasaab ka ahaa deegaanka uu ku yaala dugsiga Park View School, ayaa sheegay inay been abuur tahay sheekadda ku saabsan in dhalinyarad iskuulkan wax ka barta ugaadhsi xag-jirnimo lagu hayo.




Shakiga ayaa yimi ka dib markii xubno ka mida Muslimiintan Magaalada Birmingham ay agagaarka Dugsiga ka furteen xarumo lagu iibiyo cuntada xalaasha loo yaqaano, taasoo ardayda si weyn u soo jiidatay.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com