Hargeysa(GNA) -Roobabkii wakhtiga Gu’ga ayaa ka curtay goboladda dalka Somaliland sida aanu ka helaynu waraka goboladda dalka waxa la soo sheegayaa in magaalooyin badan oo gobolada Somaliland kamid ahi uu ka da’ayo roobab lagu diirsaday, iyadoo maalintii shalay uu ka da’ay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, sidoo kalena waxa la soo sheegayaa in meelo badan oo Bariga ah uu ka da’aayey ilaa xalay.
Magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayuu sidoo kale ka da’ay habeen hore iyo maanta duhurkii. Dhanka kale gobolada Galbeedka ayuu iyana si wacan u da’aayey ilaa labadii cisho ee ugu dambeeyay
Sikastaba ha ahaatee roobabkan bilaabmay ayaa dhammaan ah mid lagu wada diirsaday iyadoon lasoo sheegin wax khasaare ah oo ay gaysteen roobabka ka curtay dhammaan dalka ee miyi iyo magaalaba leh.