Wadarta biyaha ay cabaan xaafaddaha Gacan libaax, Macalin Harun, Axmed-dhagax, 31 May, Maxamuud Haybe & Maxamed Mooge(19.64%+0+6.8%+0+5.30%+0) waxay boqolkiiba noqonaysaa 31.64% waxaanay ka yartahay biyaha ay cabto bishii degmadda 26 Juun oo kaligeed ah 39%.
Ugu horayn waxaan salaam guud u dirayaa shacbi waynaha reer sooamaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan casimada Hargeisa anigoo ka tacsiyadaynayaa xukuumada ay soo durteen oo garan wayday halka ay bahiyaha as asiga ah ka jiraan iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Dadka ku dhaqan casimada hargeisa waxaa qiyaas ahaan kur u dhaafeen 1 million oo quf dadkaasi oo u baahan in cashuurta laga qado ee isugu jirta cashuurta iibka ( selling text) cashuurta mushaharaadka shaqaalaha ( income text) cashuurta fa idad ( profit text ) iyo cashuurta hantida ma guurtada ah ee laga qado wakhti kasta in dib loogu sooo celiyo oo ugu horayn loga haqabt tiro baahiyaha daruurtiga ah sida biyaha, laydhka, cafimaadka, iyo wixii
la hal mala . ayaan runtii la garanayn waxaa xukumada talada haysa shacbigii doortay ee amaanada qaraka u dhiibtay ay uga haqab tiriwayday baahiyaha daruuriga ah.
Sidaynu wada ogsonahay waxaa wadanka ka jira hay ada horumarinta wadooyinka taas oo hoostimaada wasirka madax tooyada . hay adasi waxay ahmiyadeeda kowad iyo ka labaad sisay horinta wadooyinka oo intay shacbiga lacagta ka soo ururiyaan ayaay iyaguna wax kudaraan kadibna sidaa wado lagu dhaqaajiya. Wadanka in wax lo qabto wanu soo dhawaynayana lakiin wa in xukumadu garaad u yeelata ma biyaha iyo laydhka mudnaanta kobaad leh muse wado la dhiso , hadii dadkii haraadan yihiin , habeenkiina mugdi ku seexdaan maxay wado dhalaalaysa u soo kordhin .
Millionka xukumadu ku qarashgayso wadooyinka ee hay adaha iyo international community iyo sidoo kale shacbiga reer Somaliland laga soo uruurinayo miyaanay ka mudnayn in umadan haraadan ee habeenki oo dhan biyo u soo jeeda , guryihina ay ku madoowyihiin ee laydh la aantu ugu darsantay biyo la aantii in wax laga qabto. Hadii madaxtoyada ladhka iyo biyu aanay ka gu in shacbiga ku dhaqan hargeisa biyo iyo laydh ku filan ma helaan tasina waa ma suuliyad daro wayn.
Warshada laydhka ee hargeisa ma waxay u curyantay mamulxumo , lacagti shidalka oo la lunsaday , ijimo xumaaday , muse shirkado private ah oo xukumadu u danaynays ayaa wakaladii u fadhidaa wa yaab !!!!?
Dib u milicso biyaha casimada hargeisa
1. SAAMI-QAYBSIGA BIYOOD EE XAAFADAHA HARGEYSA
Dadka kunool caasimadda hadda waxaa lagu qiyaasaa hal milyan ku dhawaad, waxaana ceelasha Geed-deeble kasoo burqada biyo xaddigoodu yahay 10,000 m3 . Bishii biyaha kasoo burqada ayaa dhan 300,000 m3 (saddex boqol oo kun). Halka cabitaanka iyo xaddiga lagaga lacag qabto bishii magaalada ay tahay ilaa 178,000 m3 (boqol iyo todobaantan iyo sideetan kun oo Mitir kuyuub). Waxaana lagu qiyaasaa in ay lumaan biyo dhan 120 000 m3 ( Boqol iyo labaatan kun oo Mitir Kuyiibik) oo ah lix boqol oo kun oo foosto Bishii (600,000 Foosto). Taas waxa ay tahay in boqolkiiba afartan (40%) biyaha laga soo saaro Geed deeble ay ka maqan yihiin khasnada dawlada. Su?ashu waxay tahay biyahaa ceelashana kasoo baxay dadkana aan soo gaadhin xagay tagaan?
Biyaha inta soo gaadha magaalada ayaan iyana loo qaybin si cadaalada ah mudadii ka danbeysey Maamulkii Cali Asad (AHUN), xiligaas oo xaafadaha magaalada mid walba ay heli jirtay kaltankeeda.Sida aynu kor ku xusnay iyada oo Biyaha magaalada 40% lumaan ama la lunsado ayaa waxa ku lammaan cadaalad darro baahday dhinacc qaybinta biyaha soo gaadha magaalada sida ku cad jaantuuskan hoos ku qoran.
Magaca Xaafada
Boqolkiiba inta xaafaduhu cabaan (%)
26 Juun
39%
Koodbuur
29.70 %
Axmed dhagax5.30%
31 May 0%
Max’ud Haybe 6.8%
M Mooge 0%
Gacan Libaax 19.64%
Macallin Haaruun 0%
Celceliska cabitaanka biyaha ee xaafadaha magaaladda Hargaysa bishiiba
Wadarta biyaha ay cabaan xaafaddaha Gacan libaax, Macalin Harun, Axmed-dhagax, 31 May, Maxamuud Haybe & Maxamed Mooge(19.64%+0+6.8%+0+5.30%+0) waxay boqolkiiba noqonaysaa 31.64% waxaanay ka yartahay biyaha ay cabto bishii degmadda 26 Juun oo kaligeed ah 39%.
Sida uu tilmaamayo jaantuuska kor ku xusan, waxa jira cadaalad daro iyo sadbursi hanaanka qaybinta biyaha xaafadaha caasimda, taas oo la odorosi karo in ay si toos ah ula xidhiidho shaqaalaha wakaalada oo 23 ka mid ah 26ka madax xafiiseed ay isku dhinac ka soo jeedaan.
Gunti iyo gaba gabadii waxaanu xukuumada u soo jeedinayna in ay shacbiga doortay si cadalad iyo sinaan ah ugu adaagto , bulshadana ka haqabtirto bahiyaha as aasiga ah . taasi waa sida kali ah ee aynu ku gaadhi karno umad midaysan oo mowqif midaysan iyo ujeedoo qudha wada leh beesha calamkuna amini karto oo ictiraaf buuxa siin karto . waxan leeyahay caqli fayow ha taliyo oo shacbi iyo dawladba aynu horumarkeena u soo jeedsano, ka wax inaga xumey nayana inagon reer u eegin aynu wada jir iskaga qabano .
BY: Nuradin Kosar Omer